Uma baahnid inaad Maraykanka duufaan ku habaartid balse waa inaad la timaado han aad kula hardami karto (Maqaal maandhis ah)

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2020 – Kuwa maangaabka ahi weli kama aysan tagin joogtaynta habaar ay Mareykanka ku habaarayaan: In uu Alle duufaanno tirtira ku sallido (waa mar Alle iyo marka ay maqlaan in Mareykanku ay ku soo wajahan yihiin duufaannada.

Waxayse illowsan yihiin in Mareykanku waligiisba uu ahaa meel ay dufaannadu haleeli jireen, dufaannadaasoo aanan wili Mareykan ka cirib tirin dunidan, wiliba duufaannadaasi waxay haleeli jireen Mareykan oo sidan maantay ka tabar yar, ayna ku noolyihiin dadkiisii hore.

Asaasayaashii hore ee Mareykanku kama aysan qarsoonayn in degaankoodu yahay goob goor walba u nugul duufaannada, hase yeeshee waxay go’aansadeen inay deegaankaasi degaan, una babac dhigaan khatarahaas baaxadda leh.

Hubaashii, asaasayaashii Mareykanka ayaaba ahaa duufaanno! Waxa ay ahaayeen duufaan xagga qabka, waxa ay ahaayeen duufaan xagga wax-soo-saarka iyo horumarka, illaa ay hanteen hoggaaminta dunidan maantay.

Mareykan maalintii la asaasay illaa iyo hadda waxa ay la noolaayeen dabayllo iyo duufaanno joogto ugu dhufta, waxaadba mooddaa in ay duufaannadu uga dhiganyihiin dabaaldegyo-guuleed oo kale. Waxay goor walba si howl yari ah ugu ka la bixiyaan magacyo hadba duufaantii soo kororta, sidii inay ilmohooda magacyo u bixinayaan oo kale, innaguna sidii qumayadii ayaan baasaysi iyo habaar uga falcelinnaa magacyada duufaanahaas.

Dabcan, waxa la helayaa kuwo igu eedaynaya inaan Mareykanka faaninayo ama amaanayo, sidii inaan ahayba qof hilmaamsan burburkii uu Mareykan u gaystay dhulalkeenna Carbeed. Hase yeeshee waxaan aad ula yaabanahay dhaqanka dadka diyaar-garowga u yaqaanna habaarka kaliya.. habaar qalalanna aaminsan in uu Alle aqbalayo.

Waan ku jahwareeray doqonnimada noocaas ah ee dadka qaar gaarsiisay in ay aaminaan in Quraanka lagu sheegay dufaanta Iirma (Irma waa dabayl Mareykanka ku dhufatay sannadkii 2017-kii).

Habaar kaliyana haddiiba uu dowlado baabi’in karo waxaa goor hore ku kaaftoomi lahaa khulafadii wanwanaagsanaa iyo halgamayaashii hore ee Islaamka, waxayna ahaan lahaayeen kuwo aanan magaalada Madiina kasoo bixin ee halkaas ka soo dira gantaallo habaarro ah (waa sida maantay dhacda e), mana ay ahaadeen kuwo hardan joogto ah uu dhex maro labadii boqortooyo ee Ruum iyo Furus iyo kuwii la midka ahaa, ee waxay ku kaaftoomi lahaayeen mucjisada habaarka.

Mareykanku waa uu jiray duufaanihii (Katriina) iyo (Saandi) kaddib, waa uuna sii jiri doonaa duufaanta (Iirma) iyo kuwa kale kaddib, waxa uuna Mareykan ahaanayaa mid sidaas u awood badan inta uu raacayo xeerarka Alle ee awoodda. Wuuna burburayaa haddii uu qaato asbaabaha burburka. Wuuna taag-darraynayaa Mareykanku haddii la helo dowlad kale oo isaga ka wanaagsan una diyaarsan hoggaaminta dunida. Sababtoo ah siismada Alle uu qolo awood siiyaa kuma xirna inay muslim yihiin iyo in kale, ee waa hadba ciddii geyda jagadaas una soo diyaar garowda.

Ilaahay SW xeerarkiisu isu beddeli maayaan si ay Carab ugu hiilayaan ama uga farxiyaan iyagoo aanan asbaabtiiba la iman, Allena sunnantiisu is ma beddesho.

{ولن تجد لسنة الله تبديلا}.

Mareykan habaar ku burburi maayo, kaliya habaarka qolo asbaabtii awoodda la timaadda mooyee. Markase la helo kuwo sidaas ula yimaada asbaabaha awoodda, waxa hubaal ah in Mareykan uu noqon doono mid aan tabar iyo taag toonna sii lahaan:

{ذلك وأن الله موهن كيد الكافرين}.

Waxaase in la is waydiiyo mudan: muxuu yahay burburka Mareykan ku imaanaya innagoo ah kuwo ka hoos-kalluumaysta xadaaraddiisa ku dhisan maadiga-soocan iyo shahwaaniyadda xad-dhaafka ah (Excessive sensuality) ?

Sidee buu Mareykan u baaba’ayaa iyadoo aqalkeenna madow (Kacbada) uu maantay magan u yahay aqalkooda cad (The White House)?

Maxaan baahi badan u qabi lahayn duufaanno innaga tirtira caqliyadaas maangaabnimadu ka buuxdo ee habaartamaysa kaliya!

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Dr. Abdallah Elnafisi

W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax

Hadalsame Media