Basaska ay Turkigu sameeyaan oo caalamka suuq fiican ka yeeshay + Sawirro (Dalal waawayn oo Yurub ah oo tarabtarab u iibsanaya)

0

(Ankara) 24 Sebt 2020 – Basaska ay samayso shirkadda Turkiga ah ee BMC oo iskugu jira kuwa waawayn, kuwa dhexe iyo kuwa yar yar ee ay Soomaalidu caasiga ah u taqaan oo iskugu jira kuwa gaadiidka dadwaynaha iyo adeegsiyo kaleba, ayaa suuq wanaagsan ku yeeshay caalamka, iyadoo haatan laga isticmaalo 87 dal oo ay ku jiraan kuwa waawayn ee Yurub, sida ay sheegtay Anadolu Agency (AA).

Sida laga soo xigtey Sharikadda Dhoofka Gaadididka (OIB), waxaa 8-dii bilood ee sanadkan ugu horreeyey si aan caadi ahayn u kordhay dalabka basaskan ee dalalka Czech Republic, Ruushka iyo Mexico.

Ha yeeshee dalka kaalinta 1-aad kaga jira iibsiga basaskani waa Faranskiisa oo iibsadey basas ku kacaya in ka badan $154.7 milyan oo doollar (TL 1 bilyan oo Liiraha Turkiga ah).

Jarmanka ayaa kaalinta 2-aad galay isagoo Turkiga ka iibsadey gaadiid gaaraya $147.1 milyan oo doollar, halka uu Talyaanigu kaalinta 3-aad galay isagoo gatay basas ku kacaya $89.6 milyan oo doollar.

Waxaa soo raacda Marooko oo Talyaaniga ku xigta oo basaska ay Turkiga ka iibsatey ay kordheen 27.7% marka loo eego xilligan oo kale sanadkii tegey ee 2019-kii. Kaddib UK $33.6 milyan, Norway $29.7 milyan.

Kororka ugu badanse waxaa sameeyey Ruushka oo mar qura boodey 375% isagoo kasoo kacay iibsiga gaadiid basas ah oo ku kacay $4.9 milyan sanadkii hore, balse sanadkan iibsadey basas lagu khasiray $23.3 milyan kaddib markii uu tayada iyo bandhigga ku qancay.

Mexico waxay korortay 244% halka Czech Republic ay korortay 112%, sida ay u kala horreeyaan.

BMC oo sidoo kale samaysa gaadiidka ciidamada, waxay samaysay 12-kii gaari ee gaashaannaa ee beri dhowayd Turkigu siiyey Ciidanka Xoogga Dalka Somalia.

Qaar ka mid ah gaadiidka ciidan ee ay samayso BMC

Hadalsame Media

Facebook Comments