MAAREYNTA WAQTIGA: Afar qodob oo muhim u ah sida waqtiga looga faa’iidaysto sida ugu fiican

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2020 – Kasoo qaad Maanta inaad jirto 80 sano, waxaa hubaal ah in 27 sano oo ka mid ah cimrigaaga aad hurdo ku qaadatay, 20 sano oo kalena aad waxbarasho ku bixisay, 7 sano oo kalena aad ku qaadatay cunto cunis, safar iyo sheeko. Cimrigaagii 80ka sano ahaa markii sidaas loo sarrifo waxaa kuu soo haray 26 sano, oo laga yaabo inaadan uga faa’iidaysan sidii ugu waxtar badneyd ee aad awooday.

Haddaba akhriste si aan uga faa’iidaysano waqtiga kooban ee Alle inna siiyey, mudnaan u kala samee Noloshaada oo iswaydii maxaa kuu muhiima? Sida; Cibaadaada Alle, Shaqadaada ama Ganacsigaaga, Aqoonta iyo kobcinta Garaaadkaaga, Daryeelka qoyskaaga, Horumarinta xiriirka aad la leedahay bulshada, Joogteynta jimicsiga iyo ka warqabka caafimadkaaga.

Qiimaha waqtigu leeyahay waxaa inoo iftiimisay Diinteena Islaamka sida ay isugu xirtay cibaadooyinka Adoonka Ilaahay ku waajibiyey iyo waqtiga laga rabo midkasta inuu guto, Salaada waxa ay leedahay waqtiyo cayiman, Soonka iyo Xajku waxay leeyihiin Bilo u gaara, Sakaduna waxay waajibtaa sannadkii hal mar. hadii uu san Adoonku u hogaansamin mid kasta waqtiga loo xadiday waa adag tahay in laga aqbalo. sidoo kale Eebbe wuxuu ku dhaartay waqtiga si uu bini-aadamka u tuso ahmiyadiisa iyo inuu khasaare ku sugan yahay haddii uusan waqtigiisa ka faa’iideysan oo uusan la imaan; rumayn, camal wanaagsan, xaqa oo lays faro iyo dulqaad.

Xirfada maareynta waqtiga maalin laha ah waxaa qeyb weyn ka ah sida aad u qorsheyso una maareyso mawjadaha iyo caqabadaha nololeed ee ku soo foodsaaraya 24kii saac ee kasta. Hadaba si aad u maamusho waqtigaaga iyo shaqooyinkaaga u qeybi khaanadahaan soo socda;-

1. ”Maarey markiiba”. waxaa jira waxyaabo muhiima ah degdegna ah oo ay khasabtahay inaad degdeg wax uga qabato, adiga oo hawshaada maalin laha wata; sida shaqo aadan filayn oo kugu soo baxday iyo qof qoyskaaga ama ehelkaaga ka mid ah oo xanuunsaday.

2. ”Xoogga saar ilaa aad ka guul gaarto”. waxaa jira waxyaabo muhiim ah balse aan degdeg aheyn. waa qeybta ugu muhiimsan mustaqbalka qofka, waana midda laga doonayo inuu niyada ku hayo qofka waxtarka leh, sida inaad jaamacada dhammayso, reer inaad dhaqato, dhaqaale inaad tabcato iyo hogaamiye inaad noqoto. arimahaani degdeg ma aha laakiin waa yoolal muddo kadib ay suur-tagal tahay inaad gaarto.

3. ”Ka tanaasul inaad waqti ku bixiso”. waxaa jira waxyaabo aan muhiim ahayn laakiin si degdeg ah oo maalinta ama habeenka aad ku sugan tahay ku eg, runtii waxyaabahaani waa kuwa ugu badan ee dhallinta waqtiga ka dila; sida cayaar dhacaysa iyo mu’salsal muddo soconaya oo habeenkasta la daawanayo.

4. ”Inta aad xadidi karto xadid”. waxaa jira waxyaabo aan muhiim ahayn degdegna ahayn oo waqti aad u fara badan maalin kasta ka qaada qofka hadii uusan lahayn qorshe uu ku maareeyo waqtigiisa qaaliga ah, waxaana kamid ah; fadhi ku dirirka, TVga iyo isticmaalka badan ee Baraha Bulshada.

Qalinkii: Muxamed Mahad

Hadalsame Media