AC MILAN VS BODO/GLIMT: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Milano) 24 Sebt 2020 – Waxaa caawa kulan hal lug ah oo loogu soo baxay bug-baxda EL ciyaaraya kooxaha AC Milan iyo Bodo/Glimt oo ku ballansan gegada San Siro oo cidlo ah, saacadda Yurubta dhexe marka ay tahay 20:30.

Dhanka Milan: Pioli ayaa lagu wadaa inuu dheelsiiyo isla 11-kii kasoo badisay kooxda Shamrock Rovers, iyadoo uu Saelemaekers ka dheelayo garab weerarka bidix si ka duwan booskiisa saxda ah ee midigta, si uu u bedelo laacibka ganaaxan ee Ante Rebic.

Dhexdu waa labada tiir ee Franck Kessie iyo Ismael Bennacer, iyadoo Sandro Tonali uu gadaal kasoo gelayo. Waxaa ka horreeya 3-da Castillejo-Calhanoglu-Saelemaekers oo rasaasta siinaya Zlatan Ibrahimovic. Brahim Diaz ayaa la hadal hayey inuu galayo booska Castillejo, balse sidaa uma badna.

Dhanka Bodo/Glimt: Macallin Knutsen ayaa dheelaya 4-3-3. daafacuna waa afarta Sampsted-Lode-Hoibraten-Bjorkan iyo qabtaha Haikin. Dhexda waxaa haya Berg, oo garbaha ka joogaan Fet iyo Saltnes. Weerarka waxaa garbaha u taagan  Zinckernagel iyo Hauge, oo hubaynaya Boniface oo weerar dhexe ah.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 1 TATARUSANU
  • 20 KALULU
  • 93 LAXALT
  • 8 TONALI
  • 21 DIAZ
  • 33 KRUNIC
  • 29 COLOMBO
  • 1 SMITS
  • 18 MOE
  • 24 FOOSNAES
  • 16 KONRADSEN
  • 22 SVEEN
  • 17 TOVNEKTI
  • 26 SOLBAKKEN
AAN LA HELI KARIN

  • Musacchio
  • Conti
  • Romagnoli
  • Leao
  • Duarte
    GANAAXAN

    • Rebic

      Hadalsame Media