Qiimaynta cududda ciidamada caalamka & halka ay Somalia sanadkan ka gashay

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2020 – Waxaa la soo saaray sida uu caalamku u kala cudud wayn yahay iyada oo wax lagu go’aaminayo 50 qodob oo loo cuskanayo ciddii ka cudud wayn cid kale, min awoodda ciidan, midda coodka ama dhaqaalaha ilaa awoodda sahayda iyo booska juqraafiga.

Qaacidadan ayaa saamaxaysa in dalalka yar yar balse tiknolojiyad ahaanta hormarsan sida Sweden ay la hardamaan dalalka waawayn balse aan tiknolojiyad ahaan micne badan lahayn, sida uu qorayo Global Fire Power.

Waxaa 1, 2 iyo 3-aad ku kala jira Maraykanka, Ruushanka iyo Shiinaha sida ay u kala horreeyaan, dalalka Muslimka waxaa ugu soo horreeysa Masar oo 9-aad ku jirta, halka Turkiga si aan la fahmi karin hoos loogu ridey kaalinta 11-aad.

Sucuudiga ayaa ka sara maray Israel, balse waa marka la qiimeeyo tirada iyo dhaqaalaha diyaarka ah, balse dhanka istaraatijiyadda waxaa weli sarreeysa Israel.

Bariga Afrika waxaa ugu horreeysa Itoobiya oo gashay 60, halka Kenya ay ka dhacday kaalinta 84-aad, waxaa kasii hooseeysa Uganda oo 86-aad gashay.

Somalia oo iyada hubkaba ay cunaqabatayni ka saaran tahay, ayaa hoos ka hoggaaminaysa oo waxay ku jirtaa kaalinta 136-aad, waxa qura ee ay ka sarreeysaana waa Liberia iyo Bhutan oo ugu dambaysa 138 dal oo la qiimeeyey.

Halkan ka eeg taxa oo dhan…

Hadalsame Media