“Karoone aniga ayuu igu keenkeenay waase ka wareertay!” – Ibra oo kaftan cajiiba ka sameeyey Covid laga helay

0

(Milano) 24 Sebt 2020 – Laacibka Zlatan Ibrahimovic ayaa laga helay cudurka caabuq-sidaha ah Covid-19, jeer ladu wadey inuu caawa u safto kooxda Milan.

Ibra ayaa sidaa ku seegaya kulanka Bodo/Glimbt ee ay Milan caawa la ballansan tahay, kaasoo loogusoo gudbayo wareegga bug-baxda.

Yeelkeede, Ibra oo ka mid ah dadka bursaleetooyinka kulul allifa ayaa durba mid ka sameeyey cudurka karoonaha.

“Shalay waa Ia iga waayey Covid maantana waa la iga helay. Wax astaan ah ma lihi. Covid wuxuu ku dhiirradey inuu aniga i xujaysto. Waase ka khaldan tahay.” Ayuu yiri Ibra oo kaftamaya.

Hadalsame Media