Doollarka oo la sheegay inay dunida is macasalaamayn karaan sanadka soo aaddan ee 2021-ka

0

(New Haven) 24 Sebt 2020 – Qiyaas soo baxaysa ayaa sheegaysa in lacagta adag ee Maraykanku ay dhulka geli karto sanadka soo aaddan ee 2021-ka, sida uu sheegay bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Yale University oo la yiraahdo Stephen Roach.

Wuxuu Roach tilmaamay in aragti mar loo arki jirey “mid waalan marka laga hadlo inuu doollarka, oo ah lacagta uu caalamku haatan adeegsado, uu dhulka galo” aysan mid waalan u muuqanin hadda kaddib, sida uu Roach u sheegay hilinka Maraykanka ah ee CNBC.

“Wuxuu sheegay in miisaaniyadda Maraykanku ay khad cas sii gashay rubacii 2-aad ee sanadkan, taasoo sii xoojisey xoog yarida dhaqaalaha Maraykanka marka loo eego caalamka.” sida uu qabo.

Warkan ayaa imanaya xilli bishii Juun ee sanadkii hore, ay khubarada dhaqaaluhu ay saadiyeen in uu doollarku dhacayo 1-2 sano oo soo aaddan.

Yeelkeede, wuxuu caalimkani sheegayaa inay taasi dhiciba karto dabayaaqada sanadka soo aaddan ee 2021-ka.

Hadalsame Media