”Rooble wuxuu la shaqeeyaa Shabaab” – Wargayska Carab Mubaashir oo weerar qaawan kusoo qaaday RW Magacaaban

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2020 – Wargayska Carab Mubaashir ee af Carabiga kusoo baxa ayaa weerar qaawan ku qaaday Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee aanba weli la ansixin Inj. Maxamed Xuseen Rooble.

Wargayskan oo laba qaybood u kala qaaday waayaha Wasiirka Koowaad ee magacaaban ayaa mid ku xusay waxbarashadiisa Master-ka gaarsiisan ee Tiknolojiyadda Cimilada ee uu Sweden ku qaatay.

Wuxuu dhanka kale kusoo qaatay wax uu ku sheegay ”Diiwaannada Madoow” ee Inj. Rooble, wuxuuna sheegay in uu ka qayb qaatay falal argagixiso, oo uu xiriir la leeyahay al Shabaab oo uu la fuliyey dhowr howlgal oo uu mas’uuliyad ku lahaa, sida ay qoreen.

Wargayskan ayaa inta badan dacaayadeeya madaxda dalalka aysan isku aragtida ahayn baloogga Imaaraadka, Sucuudiga, Masar iwm, kuwaasoo uu inta badan ku eedeeyo inay argagixisada la shaqeeyaan.

Hadalsame Media