”Bal qabso sababta ay Imaaraadku ugu mintidayaan Somaliland!” – Warqaadka Israel ugu af dheer oo sharraxaya

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2020 – Jeer uu 60 sanadood kaddib uu Maraykanku u muuqdo mid woxoogaa dib u guranaya ayay Turkiga iyo Iiraan waxay doonayaan inay isku ballaariyaan Afrika, ayuu qoraalkiisa ku bilaabay warqaadka Jerusalem Post ee Israel.

Waxaa sidoo kale shabakado halkaa ka samaysanaya Ruushanka iyo Shiinaha, xilli uu Maraykankuna sii yaraynayo doorkiisa 60 sanadood kaddib gumaysigii reer Yurub.

Doorka iska soo taraya ee Turkey iyo Iiraan ayay dalalka Carabtu arkaan mid hujuumi ah oo halis ku ah danahooda istaraatijiga ah sida uu qabo wargaysku.

”Warbaahinta Khaliijku waxay ka walaacsan tahay in Turkigu uu saldhig wayn ku leeyahay Somalia isagoo weliba saldhigyo kale ka samaysan raba Libya, Suudaan iyo Tuniisiya,” ayuu leeyahay Jerusalem Post.

Wuxuu sheegay in tan loo arko hardan loogu jiro gobolka Bariga Afrika, oo dhinaca ku haya marinka istaraatijiga ah ee Badda Cas ee Bab al-Mandeb oo ay marto saliidda Sucuudigu, balse waxaa uu hardanku sidoo kale ka socdaa Woqooyiga Afrika, gaar ahaan Libya iyo Tuniisiya.

Labadaa gobol ee Woqooyiga iyo Bariga Afrikaba waa kuwo deris la ah xadna la leh Carabta, taasoo ka dhigan inay saamayn toos ah ku leeyihiin amaanka Riyaad ilaa Qaahira.

”Taasi waa sababta uu Imaaraadku, tusaale ahaan, u xiisaynayo Somaliland, oo ah gobol is maamul hoosaad leh oo sheegtay inuu ka madax bannaan yahay Somalia.” ayuu ku sababaynaa Jerusalem Post.

Waxaa intaa dheer kooxo kale oo loo adeegsado dagaal wakaaladeed oo ka howlgala min Bariga Afrika ilaa Saaxil sida Al-Shabab, Boko Haram oo Al-Qaacida lala xiriiriyo iyo ISIS.

Waxay ku faafsan yihiin min Niger, Burkina Faso, Central African Republic, Mali iyo dalal kale, iyadoo maqaal lagu qoray The National oo kasoo baxa Imaaraadka uu sheegay in Iiraan ay dagaal wakaaladeed ka waddo Central African Republic (CAR).

Iiaan ayaa sidoo kale joogta Nigeria iyo South Africa halka Hezbollah oo ah gacanta dheer ee Iiraan ay sidoo kale joogto Galbeedka Afrika.

Hadalsame Media