Booliiska Garoowe oo weerar ku qaaday guriga hooyo cadaalad darro tirsanaysey (Askari qaatay go’aan u gaar ah)

0

(Garoowe) 21 Sebt 2020 – Ciidamo hubaysan oo katirsan bilayska Puntland ayaa xalay gudaha u galay hoyga ay magaalada Garoowe ka degan tahay Kutubo Cali Axmed oo dhowaan iyadoo cadaalad xumo tirsanaysa warbaahinta cabasho marisay, sida uu sheegay Faarax Cabdulqaadir oo ah weriye maxalli ah.

Wuxuu sheegay in askarta guriga tagtay ay wateen baabuur muraayado madoow oo ah nooca loo yaqaano Probox kuwaasoo hooyo kutubo kasoo saaray gurigeeda kuna ritey baabuurkii ay wateen.

Yeelkeede, sarkaal katirsan Booliiska oo watey hawlgalka hooyadan lagu soo qabanayey balse sheegay inuusan markii hore ogayn haybta gaarka ah ee qofka loosoo diray inay hooyadan tahay ayaa gartay markii baabuurka lasoo geliyey una sheegay inay fasaxan tahay isla markaana uu isagu raadin doono sababta loo xirayo.

Waxaa la is waydiinayaa sababta barwo loogu jaray oo ay Booliisku u raadinayaan amaba u raadin karaan qof aysan xitaa aqoonin qofka uu yahay iyo magaciisa, waayo taasi waxay shaki gelinaysaa dembiga loo haysto ee marka horeba keenaysa in lasoo qabto.

Hadalsame Media