Beesha Caalamka oo weli ka aamusan heshiiska DF & Maamullada (Sabab loo badinayo aamuska)

0

(Muqdisho) 21 Sebt 2020 – Beesha caaalamka ayaan weli wax war ah kasoo saarin heshiiskii dhamaystirka Dhuusamareeb 3 oo ay dhowaan Muqdisho ku gaareen Madaxtooyada iyo Maamullada dalka – Somaliland.

Beesha caalamka oo horay usoo dhowaysey shirkan ay ku wada arrinsanayeen Madaxwaynaha DF iyo Maamullada ayaan weli caddayn moowqifkooda ku aaddan heshiiska dhacay.

Beesha caalamka ayaa war rasmi ah oo ay kasoo saaraan arrimaha dalka waxaa ugu dambeeyey 14-kii bishan Agoosto markaasoo ay dhinacyada ku tirtirsiiyeen inay si buuxda uga wada wajahaan wadahadal dhab ah oo uu yoolkiisu yahay in heshiis ballaaran laga gaaro hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo.

SABABTA AAMUSKA – Weli si rasmi ah looma oga sababta oo mid farsamo noqon karta, balse waxaa la dareensan yahay inay dhici karto in ay beesha caalamku saluugsan tahay tibxaha heshiiska qaarkood, sida Guddigii Doorashooyinka oo la tuuray iyo muddada lagu qabanayo doorashada oo aan weli caddayn, waloow qodobka 9-aad uu sheegayo inay doorashadu ka bilaabmayso bisha Nofeembar, misna taasi ma aha war cad oo qayaxan u sheegaya xilliga doorashadu rasmiyan u dhacayso.

Hadalsame Media