”5 dal oo ay Jabuuti ku jirto ayaa xiriir la yeelan raba Israel” – Wasiir Falastiini ah

0
(Quddus) 21 Sebt 2020 – Israel ayaa wada hadal kula jirta dhowr dal Carab iyo Muslim ah oo ay doonayso inay xiriir la yeelato, sida uu sheegay Wasiirka Arr. Bulshada ugu qaybsan Falastiin, Ahmed Majdalani, oo la hadlay KAN Radio.

Wuxuu dalalkaa ku sheegay Cumaan, Suudaan, Comoros, Jabuuti iyo Muritaaniya, kuwaasoo uu sheegay inay haatan wada xaajoodyo hoose kula jiraan Israel, sida uu sheegay.

Arbacadii, ME Maraykanka ee Donald Trump ayaa sheegay inay jiraan 5 dal oo kale oo doonaya inay si dhaqse ah xiriir rasmi ah ula yagleelaan Yuhuudda kuwaasoo raacaya Imaaraadka iyo Baxrayn.

Cumaan iyo Suudaan ayaa iyaga horayba loo hadal hayey todobaadyadii tegey, yeelkeede, Majdalani ayaa dhaan dabagaalle ku tilmaamay inay Israel nabad hesho iyadoo aan la heshiin Falastiin.

“Mowqifka ah in heshiis nabadadeed lala galo Carabta iyada oo aan Falastiin lala heshiin waa khiyaali iyo wir wir,” ayuu yiri Majdalani.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa durba bilaabay inuu ku saamoobo heshiiska ay Israel la galeen iyada oo uu Wasiirka Amaanka Cuntada Imaaraadka, Maryam al-Muhairi, ay Khamiistii wacday Wasiirka Beeraha Israel, Alon Schuster si ay ugu hambalyayso Ciidda Yuhuudda ee Rosh Hashanah.

Hadalsame Media