Maxay yihiin dadka keenay ”Smile Challenge”? Maxay se kaaga dhigan yihiin? (Arag doorka ay kuugu jiraan)

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2020 – Faylasuufkii Giriiga ahaa ee Plato, oo dhawr kun oo sanadood ka hor noolaa ayaa yidhi: “Ummad waxa maamula hadba kuwa sheekooyinka u allifa.” Soomaalida cid qudha ayaa u samaysa sheekooyinka, oo doodahooda, faaladooda iyo ra’yigoodaba qaabeeya. Kuwa maanta inaga qosliyay ee inoo dhigay casharka la yidhaahdo #smilechallenge, waa kuwaas kuwa maalin kasta adduun-arageenna, xikaayaadkeenna, farxadeenna iyo cadhadeennaba allifaa.

Kuwa sheekooyinka inoo abuuraa, waxay noqon karaan wax-ma-garato iyaga laftoodu wax aanay ujeeddo ka lahayn intay bulshada la wadaagaan, ummadduna iska walwaalato oo ay iskaga daydaan.

Waxay noqon karaan kooxo abaabulan oo ujeeddooyin leh. Iyo kuwo wakaalado ah oo u adeegaaya cid aanay garanayn damacooda iyo doonistooda.

Soomaalidu dad dhifoon oo dhug badanbay ahaan jireen, laakiin facani waa ummadda sidaas sahlan garashadeeda iyo aragtideeda loo abla-ablaysan karo.

Farmaajo iyo Biixi waxay wax u sheegi kari la’yihiin bulshadeenaa sidaa u dagan (vulnerable), ee masaakiinta ah ee wixii laynoo sheegoba la boodayna.

Ma se hubo inay kuwa inoo taliyaa yihiin, isla kuwan Ina madadaaliya ee maalin kasta dulucda haasawaheenna iyo fekerkeenna qaabeeya.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media