“Halkee lagu arkay maamul-goboleed doorasho qaran qabanaya?!” – F. Macallin oo ku baaqay in la diido heshiiska DF & Maamullada

0

(Nairobi) 21 Sebt 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa dhaliilay heshiiska ay Madaxtooyada DF Somalia la gashay madaxda maamullada.

Macallin ayaa Xildhibaannada Baarlamanka usoo jeediyey inay gaashaanka u daruuraan heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid “maalaayacni ah.”

“Halkee dimoqraadiyadaha soo baxaya ee gobolka lagu arkay maamul-goboleed agaasimaya doorashooyin qaran?” Ayuu is waydiiyey.

“Farmaajo waa waa ka hoos baxday haddii ay la noqotay in uu qiyaaso in khaa’inul wadaniyiin galay falal cad oo la isku maxkamadayn karo ay qabanayaan doorasho xaq iyo xalaal ah. Baarlamanka Somalia waa inuu diidaa heshiiskan maalaa yacniga ah.” Ayuu daba dhiigay Faarax Macallin oo ah nin aan halkiisa la gamban.

 

Hadalsame Media