Garoonka Aadan Cadde oo la ballaarinayo & qaybo muhim ah oo lagu kordhinayo (Daawo)

0

(Muqdisho) 21 Sebt 2020 – Ku simaha Ra’iisal wasaaraha Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kormeeray Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka kormeerka ayaa ku salaysnaa inuu soo eego mashruuca ballaarin iyo horumarin ah oo laga hirgelinayo Garoonka AC, kaasoo uu sharraxaad ka bixiyey sii-hayaha wasiirka gaadiidka cirka Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Wuxuu Oomaar sheegay inay sharikadda Favori ee Garoonka maamusha ay kula heshiiyeen oo qandaraas ku siiyeen inay garoonka ballaariso isla markaana tayayso si loo adeegsan karo 20-ka sanadood ee soo aaddan.

Waxyaabaha lagu darayo waxaa ka mid ah in badda la aaso ilaa 500 oo mitir oo dhismayaal iyo barxad dheeraad ah laga soo saaro, dhabbaha oo la cusboonaysiinayo, jidadka ay dayuuraduhu kusoo leexdaan (airport taxiway) oo mid cusub lagu darayo iyo qaybta dhaqdhaqaaqa oo la cusboonaysiinayo.

Waxaa kale oo uu sheegay in mashruucan oo woxoogaa yara dib u dhacay xannibaadaha caabuq sidaha Covid-19 dartii, balse iminka la dardargelin doono.

Hadalsame Media