Waa dayuuraddii 3-aad oo Kenyan ah oo muddo 4 bilood ah Somalia ku dhacda (Sababta keenaysa & halis shalay laga badbaadey)

0

(Muqdisho) 20 Sebt 2020 – Dayuurad nooca xamuulka ah oo ay Kenya leedahay ayaa shalay ku dhacday Garoonka Dayuuradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, taasoo ah ku dhaawacmeen 2 ka mid ah 5 qof oo ka shaqayneysey. Labada qofi waa labadii duuliye oo si xun weliba u dhaawacmay.

Garoonka ayaa muddo kooban la xirey si loogu gurmado dadkii ku waxyeelloobey dayuuradda Silverstone oo ah nooca Dash-8, oo sahay u siddey Ciidamada AMISOM ee Beledwyene, oo 335 km woqooyi kaga beegan Muqdisho.

Dayuuradda ayaa markii ay u hilhilatay inay haaddo awoodi waydey inay sare u kacdo iyadoo hertisey xayndaabka garoonka kaddib markii ay dhowr jeer samaysay wareeg iyada oo joog hoose oo halis ah ku duulaysa, taasoo dhibaato wayn shalay ka gaysan kartey garoonka.

Dayuuraddan oo uga diiwaan gashan Kenya 5Y-MHT ayaa si joogto ah uga shaqaysa Somalia, iyadoo sahay u gaysa QM iyo AMISOM, sida uu sheegay Maareeyaha Guud ee SCAA, Ahmed Moalim Hassan.

Shilka dayuuradaha Kenya ayaa bilihii dambe soo noqnoqonaya, iyadoo ay dayuuraddani gashay shilkii 3-aad ee ay ku lug leedahay dayuurad Kenyan ah ee dhaca muddo 4 bilood gudohood ah.

DF Somalia ayaa looga fadhiyaa inay hubiso dayuuradaha ay rukhsadda siinayso gaar ahaan kuwa Kenya oo aalaaba ay shilalkoodu badan yihiin hab-raacooda dhanka amaanka iyo dayactirka oo aad u liita musuq dartii.

Gudaha Kenya ayay sidoo kale shilal badan ku galaan dayuuradaha Kenya.

Hadalsame Media