Waxaa maxay waajibka saaran warbaahinta qaranka? Sidee ayay se ku habboon tahay inay u shaqayso?

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2020 – Xilka warbaahinta qaranka – Dunida maanta waxaa ka dhisan noocyo badan oo dawladeed, laba jaad ayuun bay se u qaybsamaan asalka. Jaadka hore waa nooca abaaday ee kumanyaalka sano la yaqaannay, ahna halkii aadamigu dawladnimada ka soo bilaabay.

Waa boqorro, kelitalisyo iyo qoysas ama kooxo qaab budhcadnimo ah wax ku xukuma. Ta kalena waa dawladnimada casriga ah ee bulshooyinka maanta haystaa ku liibaaneen kuwa aan haysannina ku riyoodaan, waana dimuqraaddiga ay dadweynuhu doortaan hadba cidda u maamulaysa danaha ka dhexeeya.

Labadaa nooc ee dawladeed laba siyood oo aad u ka la duwan bay u la dhaqmaan warbaahinta qaranka. Qolada hore sida ay dalka iyo dadkaba iyadu u leedahay si la mid ah bay warbaahintana u leedahay.

Warbaahinta qaranka waxaa si budhcadnimo ah u gu shaqaysata kooxda xukunka haysata, iyaga ayaana la gu ammaanaa oo foolxumadooda la gu qurxiyaa ceebtoodana la gu asturaa. Iyaga ayaa loo gu dagaallamaa oo qaybaha bulshada la ga ga difaacaa. Reer Aala Sacuud waa tusaale.

Dawladda casriga ahi sidaa waa ay ka duwan tahay oo warbaahinta qaranka waxaa iska leh oo loo gu adeegaa qaranka, yacni umadda.

Warbaahintani wax ay ku shaqaysaa oo mabda u ah “waa maxay maslaxadda umaddu?” iyo “wax aan ahay wariye u adeega danta umadda aan lacagteeda cuno”.

Waxaa la gu koriyaa xogta iyo wacyiga umadda, waxaa la gu ilaaliyaa oo la gu dabagalaa oo la gu fadeexeeyaa masuuliyiinta dawladda ee xilkooda gudan waaya ama gefaf kale gala.

Warbaahinta qaranka xorta ahi waa meesha kowaad ee siyaasigu ka baqo ee ka haybaysto, waayo iyada ayaa goor walba tooshka ku haysa.

Waxaa la gu gudbiyaa codka iyo dareenka umadda si siyaasigu u gu talo goosto.

Dhanka kalena waxaa dadweynaha loo gu gudbiyaa siyaasadda iyo go’aannada dawladda si muwaaddinku dawladdiisa xogogaal u gu noqdo dabadeed wax u qiimeeyo u guna go’aan qaato.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media