RW magacaaban oo markii ugu horreeysey hadlay & goorta lagu wado in Baarlamanka la hor geeyo (Daawo farriintiisa)

0

(Muqdisho) 20 Sebt 2020 – RW magacaaban ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horreeysey hadlay tan iyo markii loo magacaabay RW cusub ee sugaya in la ansixiyo.

”Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda JFS,” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa qoraal kasii horreeyey sidoo kale ku muujiyey inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay isagoo shacabka u jeediyey inay la shaqeeyaan.

”Bismillaah, marka kowaad allah (swt) ayey mahadi u sugnaatay, marka labaad waad ku mahadsantihiin hambalyadiina walaalayaal. Shacabka somaliyed waxan leeyahay waa cusub baa inoo dhashay, waxan codsanaya in shacabku ay la shaqeyan dowlada si aan ugaarno yoolkeena mustaqbalka.” ayuu yiri.

Rooble ayaa lagu wadaa in isla Isniintaba la hor geeyo Aqalka Baarlamanka si deg deg loogu dhiso xukuumad agaasinta doorashada soo socota, waxaana xalay la kulmay madaxda sare ee Baarlamanka gaar ahaan Mursal iyo Muudeey.

Hadalsame Media