”Tillaabo isku mid ah ayaan ka qaadnay Somalia & Tanzania, Somalia ma aarsan balse Tanzania waa naga aargudatey!” – The Star

0

(Nairobi) 20 Sebt 2020 – Diblomaasiyadda khilaafka ku dhisan ee ay Tanzania kula dhaqanto Kenya ayaa mar kasta guulaysata, ayuu maqaal dheer ku bilaabay warqaadka dalka Kenya kasoo baxa ee The Star.

Shilkii ugu dambeeyey, Tanzania ayaa Arbacadii qaadday xayiraaddii ay kusoo rogtey dayuuradaha Kenya oo ay ku jirto Kenyan Airlines, oo ah calan-sidaha qaranka, balse waxaa taas maalin kasii horreeysey Kenya oo Tanzania kusoo dirtay liiska dalalka soo geli kara Kenya ee aanay dadkoodu karaantiilka u baahnayn, waxaana loo fasiran karaa inay markale guulaysatey Tanzania.

Tanzania ayaa sidoo kale fasaxday dayuuradaha Kenya Airways, Fly 540, Air Kenya Express iyo Safarilink Aviation oo ay mamnuucday bishii Agoosto.

“Diblomaasiyadda waxaa xukuma xeerka rogaalka, Kenya waxay Tanzania ka saartay dalalka hawadeeda geli kara, iyaguna teenna sooma geli karaan. Ma aha ku adkayn, balse waa mabda’ diblomaasiyadeed,” ayuu yiri afhayeenk Dowladda Tanzania, Hassan Abbasi oo hadlayey 11-kii Agoosto.

Bishii Maajo, Tanzania ayaa sidoo kale waxay taraagleeyda Kenya ka mamnuucday inay xadka kasoo gudbaan.

”Tani waxay ka dambaysey kaddib markii uu MW Uhuru Kenyatta xirey xadka Tanzania iyo Somalia si uu u xukameeyo caabuq sidaha coronavirus. Somalia iyadu ma aarsan oo tillaabadaa kama dabaaqin.” ayuu qoray The Star.

Waxaa xilligaa uu MW Uhuru ku khasbanaaday inuu telefoonka ku woco dhiggiisa Tanzania, John Magufuli, si ‘arrinta loo xalliyo.

Kenya ayaa sida ka muuqata tirakoobka Kenya National Bureau of Statistics, waxay Tanzania u iib gaysaa badeeco 13% korortay 2019-kii oo ku kacaysa Sh33.9 bilyan oo shilin.

Si kastaba, wuxuu wargayskani qirayaa in Tanzania ay markasta kubad dhagax la ciyaarto Kenya kagana adkaato, iyadoo waloow ay suuqa Bariga Afrika ku wada jiraan misna waxyaabo badan ka xannibta Kenyan-ka doonaya inay galaan Tanzania.

Sanadkii tegey, Uhuru ayaa wefdi ballaaran oo ka kooban CS Monica Juma, DCI George Kinoti, DPP Noordin Haji iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Paul Kihara u diray Tanzania kaddib markii ay Booliiskoodu qabteen dahab gaaraya 35kg.

Intaa kuma yalmin oo wuxuu Uhuru ku khasbanaaday inuu woco Magufuli isagoo leh, “Walaalkay, aan wada shaqayno, waanagii ku heshiinney inuu furnaado xadka Kenya iyo Tanzania.”

Hadalsame Media