DAAWO: ”Isagoo kale nama soo marin!” – Oday Khayrre ku amaanay xaflad lagu soo dhowaynayey RW cusub oo ku sigtay in….

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2020 – Nin oday ah ayaa isagoo ka hadlaya meel xaflad ah oo lagu soo dhowaynayey RW magacaaban ee Maxamed Xuseen Rooble ku sigtay in mikrafoonka laga qaado.

Ninkaa odayga ah ayaa sheegay hadal aysan jeclaysan dadkii madasha fadhiyey qaarkood, waloow ay qaar kale ku baaqeen in odayga hadalka loo daayo.

”Horta Raysal Wasaare ka karti badan oo ka shaqa badan Xasan Cali Khayrre nama soo marin, namana soo mari doono,” ayuu yiri odaygu, waxaana markiiba kusoo boodey nin mikrafoonka kula dhegey, balse misna is qabtay oo yara xishooday isagoo leh ”mikarfoonka ma iska qabsanee adiga?!”, isagoo mikrafoonkii u celinaya.

Odayga oo markale ku celiyey kelmaddiisii ahayd ”nasoo mari maayo!”, ayaa waxa ay dadka qaarkii ku qaabileen hunnu hunu iyo sawaxan, isna wuxuu yiri: ”Ma joojiyaa?!”

Odayga ayaa markale loo fasaxay inuu hadalkiisa sii wato, isagoo RW magacaaban ugu baaqay inuu noqdo nin umadda dhibka ka saara isagoo adeegsanaya woxoogaa tix ah.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media