DAGAAL QABOW: Maraykanka oo ku dhawaaqay inuu Shiinaha u samaysanayo maraakiib & gujisyo iyagu is wada + Sawirro

0

(Washington, DC) 18 Sebt 2020 – Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka, Mark Esper, ayaa ku dhawaaqay qorshe ay ku ballaarinayaan Ciidamada Badda iyadoo loo samaynayo maraakiib, gujisyo iyo dayuurado fara badan oo iyagu is wada si ay u wajahaaan wax ay ku sheegeen halista isa soo tareeysa ee Shiinaha.

Madaxa Pentagon ayaa sheegay inay wadaan qorshe loogu magac daray ‘Future Forward’ kaasoo maraakiibta dagaal Ciidamada Badda lagu gaarsiinayo 355 oo markab, halka ay haatan ka yihiin 293 markab. Mana aha maraakiibta guud ee waa kuwa Badda ee loo yaqaanno US Navy oo qura iyadoo ay jiraan qaybo kale oo isla badda ah.

Qorshahan, oo u baahan in tobannaan bilyan oo doollar lagu kordhiyo miisaaniyadda US Navy inta u dhexeeysa hadda ilaa 2045-ka, ayay Maraykanku ku doonayaan inay ku haystaan gacanta sare ee ay dhanka badda uga leeyihiin Shiinaha – oo ay u arkaan halis istraatiji ah – tiro iyo tayaba.

”Raxanta badda ee mustaqbalku waxay noqon doontaa mid isu miisaaman oo awood u leh inay ka dagaallamaan cir, badda iyo gunteeda,’ ayuu yiri Esper oo ka hadlay xarunta Rand Corp. oo ku taalla California.

Hadalsame Media