Midowga Yurub oo doonaya inay cunaqabatayn saaraan Sucuudiga & Imaaraadka

0

(Strasbourg) 18 Sebt 2020 – Baarlamanka Midowga Yurub ayaa soo jeediyey in cunaqabatayn lagu soo rogo dalka Sucuudiga marka la eego doorkiisa dagaalka Yaman iyo dilkii weriye Jamaal Khashuuqji.

Warbixin uu Midowga Yurub kasoo saaray arrintan oo la ansixiyey ayaa 27-xubnood ee EU ku jira ugu baaqay in “raacaan tusaalaha Germany, Finland iyo Denmark, kuwaasoo markii la diley Jamaal Khashuuqji cunaqabatayn ka saaray dhanka hubka”.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegaysa in hubka laga iibinayo Sucuudiga iyo Imaaraadku uu dhibaato aadminimo ka ridey dalka Yaman oo “ay 22 milyan oo qofi galeen xaalad aadminnimo oo ay u baahan yihiin gargaar”.

Waxay sidoo kale dalalka haray ee Midowga Yurub u jeediyeen in Sucuudiga iyo Imaaraadka la saaro cunaqabatayn dheeraad ah oo dhanka hubka ah maadaama ay dalkaa ku dhinteen dad ka badan 100,000 oo qofood.

Hadalsame Media