“Halla garab istaago!” – Khayrre oo soo dhoweeyey RW bedeley

0

(Muqdisho) 18 Sebt 2020 – RW hore ee Xasan Cali Khayrre ayaa soo dhoweeyey RW cusub ee Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Maxamed Xuseen Rooble,” ayuu Khayrre bartiisa kusoo qoray.

“Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo mas’uuliyadda, kuna guuleeyo howlaha loo igmaday. Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inaan garab istaagno.” Ayuu daba dhigay.

RW cusub ayaa ah nin ay isku dhowaayeen Xasan Cali Khayrre.

Khayrre ayaa 12-kii bishan shaaciyey inuu si rasmi ah ugu taagan yahay MW Somalia, isagoo sidoo kale soo dhoweeyey heshiiskii DF iyo Maamullada ee shalay lagu gaarey Muqdisho.

Hadalsame Media