Halka ay kasoo jeedaan ardayda Soomaaliyeed ee lagu murmay halka ay joogaan (Akhri dalalka ay kasoo jeedaan)

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2020 – Waxaa beri dhowayd baraha bulshada qabsaday arday Soomaaliyeed oo qaatay shahaado dhakhtarnimo oo sawirkooda lasoo dhigay baraha bulshada, balse lagu murmay halka ay joogaan.

Haddaba, waxaan idiin haynaa waxa ay ardaydani kala yihiin, dalka ay imtixaanka ku galeen iyo dalalka ay ku kala nool yihiin:

Waxaa sawirkan la qaaday 28-kii Agoosto, 2020 waxaana lagu qaaday magaalada Oradea, ee dalka Romania.

Tirada ardayda Soomaalida ayaa guud ahaan gaaraya 27 arday oo ka qalin jebiyey Jaamacadda Oradea Medical University sanadkan, waxaana sawirkan ka muuqda 19 ka tirsan oo qura:

18 ka yimid Finland
5 ka yimid England
2 ka yimid Sweden
1 ka yimid Germany
1 ka yimid USA / Canada

Isha: Mid ka mid ah ardayda Dr. @Ibraahim Xaaji Cabdiraxmaan

Hadalsame Media