MW Farmaajo ma buur JIFI ah oo uu dhistay ayaa ka dhalaashay? Min qof & cod ilaa Maamul-goboleed & cad (Fursaddu intee la’eg tahay?)

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2020 – Ma lumiyey fursaddiisi mise weli wuu leeyahay? Abukar Albadri

Waxaan aqriyey qoraal Warbaahinta ay tabisay oo lagu tilmaamay inuu yahay Warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda Maamulgobaleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo uga socday Muqdisho.

Qodobada waxaa ku jira kuwo si weyn saameyn ugu leh doorashada la filayo iyo waxa ay natiijo ahaan ka filan karaan madaxda Maanta ee Dalka.

Haddaba, aniga oo diirad kooban ku eegaya arrimaha muhiimka ah ee Warmurtiyeedkaas uu saameeyey, ayaan eegayaa bal fursadda uu heysto Madaxweyne Farmaajo oo doonaya in dib loo doorto.

Arrimaha aan sida gaarka ah u eegay waa intan:

1. Doorashada waa mid dad badan, waxaana la qabanayaa xilligeeda oo ka bilaabanaya 1-da Nofeenbar 2020, waxaana inteeda badan qaban doona MaamulGobaleedyada.

2. Waa la xil-tiray Guddigii Doorashada Heer Qaran ee xilligan, waxaana la sameynayaa guddi doorasho dadban oo aan ku shaqeyn doonin talooyinkii Guddiga heerka qaran, balse ku shaqeyn doona talooyinka Madaxda MaamulGobaleedyada.

3. Doorasho Qof iyo Cod ah sheegiddeeda way dhamaatay, faro la qaadayo oo doorasho lagu galayo ma jiri doonaan.

4. Xisbiyo ka qeyb galaya doorashada ma jiri doonaan, maadaama aysan jirin xisbiyo qaran oo si sharci ah u rasmiyoobay, saamina ku leh doorashada dalka.

5. Madaxweynayaasha MaamulGobaleedyada waxay heleen awood rasmi ah oo ay doorashada ku maamulaan, iyaga oo soo magacaaban doona Guddiyo Doorasho oo u gaar ah, isla markaasna saameyn ku yeelan doona qofka soo baxaya iyo kan haraya calafka kaddib.

6. MaamulGobaleedyada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay si weyn ugu dadaali doonaan in xildhibananada ay soo saartaan aysan u codeyn Madaxweynaha hadda talada haya oo muddo 3 sano iyo bar ay soo dhex mareen herdano siyaasadeed oo adag.

7. Madaxweynaha Saacado kooban kaddib xilliga uu warmurtiyeedka soo baxay waxaa uu Ra’iisal Wasaare u magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo aan hore siyaasadda aad loogu aqoon, tani waxay keeni kartaa in Xildhibaanada beesha Direed oo kursigaasi sii heyntiisa u quudarreynayey Mahdi Guuleed in ay niyad jabaan.

8. Madaxweynayaasha MaamulGobaleedyada Galmudug iyo KoonfurGalbeed oo markoodii hore loo arkayey in ay yihiin kuwo Madaxweyne Farmaajo danihiisa siyaasadeed ka tarjumaya haatan waxay isu muujiyeen in ay yihiin shaqsiyaad u madaxbanaan siyaasadahooda, taas oo dhabarjab ku keeni karta kalsoonidii Madaxweynaha ee labadaasi madaxweyne.

9. Tirada codeeyeyaasha waxaa la gaarsiiyey 101, taas oo ka dhigan in Musharaxa Xildhibaanimo laga doonayo ugu yeraan 51 cod, helideeda 51 cod waxaa ay ku xirnaan doontaa sida uu u Laaluusho Guddiga Doorashada heer Maamulgobaleed, Codbixiyeyaal 51 ah iyo Horjoogayaasha Beesha kursiga leh. Tani waxay ka dhigan tahay in doorashada ay lacag badan ku bixi doonto oo aysan qof walba u sahlaneyn.

10. Xildhibaanka Lacagtaas adag ku soo gala Baarlamaanka waxaa uu ku dadaali doonaa soo celinta lacagtaas kursiga ka gashay, mana ka amar qaadan doono maamulgobaleed iyo Madaxweyne midna, taasnina waxay keeni doontaa tartanka doorashada Madaxweynenimada in uu noqdo mid lacagta iyo laaluushka ay hormuud u yihiin wadahadallada ku saabsan ololeynta iyo codeynta.

Sidaas darteed, waxaa durba muuqaneysa in Madaxweynaha uu dhistay Buur weyn oo muuqaal qurxooneyd, taas oo uu soo dhisayey seddax sano iyo bar, aheydna in ay doorashada ku dhaceyso sidii ay u qorsheeyeen gacanyarayaashiisa, isagana uu yahay Madaxweynaha soo socda ee aan lala tartami karin, waxaana intaas u dheer qorshahaas inuu yahay mid loo soo dakanoobay. Haatan xaaladda waa ay is beddeshay, buurtii odeyga loo dhisayna waxay u muuqataa in ay ka sameyneyd JIFI, MARKII AY QORAXDA TIMIDNA JIFIGII waa uu dhalaalay.

Waxaa kale oo intaas dheer, Xasan Cali Kheyre oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii Madaxweynaha la soo dhisay buurtaas JIFIGA ah, wax badanna xog ogaal u ah xeeladihii buurtaas lagu dhisay iyo dadka ay ku tiirsaneyd, waxaa uu ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne, wuxuuna la imaan karaa dhabarjab muggiisa leh oo buurta inta ka hartay ku shidi doona dab sii dhalaaliya.

Haddaba, si caadifad la’aan ah, fursadda uu heysto Madaxweyne Farmaajo, ee keeni karta in mar kale Madaxweyne loo doorto intee ayey la ek tahay?

Waxaa Qoray: Abuukar Albadri

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media