SHAMROCK VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Dublin) 17 Sebt 2020 – Kooxda AC Milan ayaa caawa fiidkii foolka ku diiraysa kooxda reer Ireland ee Shamrock Rovers. Kulan ka tirsan isreebreeb-horaadka Europa League, iyadoo ay kooxda ka maqan yihiin; Andrea Conti, Mateo Musacchio, Alessio Romagnoli, Ante Rebic iyo Rafael Leao. Halka Lucas Paquetà looga tegey dookh farsamo.

Dhanka Milan: Stefano Pioli ayaa weli door bidaya 4-2-3-1, waxaana baalasha difaacaya Davide Calabria iyo Theo Hernandez, waxaa wehlinaya Matteo Gabbia iyo Simon Kjaer.

Labada dhexe waa Franck Kessie iyo Ismael Bennacer. Sandro Tonali waa loo yeerey balse jir ahaan weli 100% ma aha, wuxuuna ka bilaabanayaa kaydka. Weerarka dhexe waa Zlatan Ibrahimovic.

Dhanka Shamrock: Shamrock Rovers waxay dheelaysaa shaxda 3-4-3. Goolka waxaa qabanaya Mannus. Khadka dhexe waa Finn iyo Lafferty. Weerarka dhexe waa Greene.

SAFAFKA LAGA YAABO

Shamrock Rovers (3-4-3): Mannus; O’Brien, Lopes, Grace; Finn, McEneef, O’Neill, Lafferty; Burke, Greene, Byrne.

Milan (4-2-3-1): G. Donnarumma; Calabria, Gabbia, Kjaer, Theo Hernandez; Kessie, Bennacer; Castillejo, Calhanoglu, Saelemaekers; Ibrahimovic.

Hadalsame Media