Dadkii loo haystey dilkii Xamdi oo maxkamad la horkeenay + qaar la sii daayey & wararkii ugu dambeeyey kiiska

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2020 – Waxaa maanta oo Khamiis ah Maxkamadda Gobolka Banaadir la hor keenay dad gaaraya 12 eedaysane oo lagu tuhmayo inay si uun lug ugu leeyihiin dilkii iyo kufsigii Xamdi Maxamed Faarax (AUN), taasoo laga soo tuuray dabaq dheer oo ku yaalla Degmada Waaberi.

Xamdi oo ku jirtey ardaydii dhowaad ka qalan jebiyey dugsiyada sare ee Xamar ayaa la xaqiijiyey in la kufsaday kahor inta aan la dilin, sida ku cad warbixinta caafimaad ee laga sameeyey kahor inta aan la aasin.

Waxaa eedaysanayaasha maanta Maxkamadda Gobolka oo uu qaadayey Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan ay gaarayaan 12 eedaysane marka lagu daro eedeysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo ah wiil 24-jir ah oo shalay ay Booliiska Galmudug ku qabteen Cadaado isagoo baxsad ah waloow uu sheegay hadallo badan oo aan loo qaateen ahayn, kaasoo durba la keenay magaalada Muqdisho.

Eedeysanayaasha 4 ka mid ayaa la sheegayaa in la fasaxay kaddib markii sida la yiri la beri yeelay oo wax dembi ah lagu waayay, kuwaasoo ay ku jiraan 2 qofood oo qaab hayb-khalad ah loosoo qabtay maadaama ay u qaab egyihiin eedeysanaha laga soo qabtay magaalada Cadaado.

Waxaa sidoo kale la fasaxay milkiilaha Carwada uu ka shaqeynayay eedeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan, damiinkii shaqadiisa damiintay iyo ninkii shaqada geeyay oo dhamaantood falkan u xirnaa, kuwaasoo iyana la sheegay in dembi lagu waayey.

Waxaa sidaa haatan ugu xiran kiiska Xamdi ilaa 7 qofood oo uu ku jiro Maxamed Ibraahim Cusmaan, kuwaasoo baaris dheeraad ah ay ku samayn doonto CID.

Waxaa dadka isha sida gaarka ah loogu hayo ka mid ah; Milkiilaha Hoteelka, masuulkii ku qaybsanaa soo dhoweynta Hoteelka, waardiyaha Hoteelka iyo dad kale oo uu kiisku lugaha la galay oo ay gabdho ku jiraan, iyadoo ay dad badani aaminsan yihiin ama tuhmayaan in hoteelku aanu arrintan ku war la’aan karin, maadaama ay badbaadada qofkii soo gala hoteelka ay iyaga saaran tahay.

Hadalsame Media