Amiirka Urdun oo meel aysan ka filaynin ka weeraray madaxdii heshiiska ku saxiixday Washington (Khalad uu kasoo saaray)

0

(Camaan) 17 Sebt 2020 – Amiirka Urdun, Ali bin Al-Hussein, oo ay isku aabbe yihiin Boqorka dalkaasi ee Cabdullah II, ayaa ku maadsadey sawir wadajir ah oo ay wada galeen madaxda Maraykanka, Israel, Imaaraadka iyo Baxrayn.

Sawirkan oo ay madaxdu wada galeen kaddib saxiixii heshiiskii lagu sheegay ”Ibraahiimka”, ayaa waxaa ka wada muuqda afarta nin oo is dhinac taagan oo saxaafadda u gacan haadinaya, tiiyoo aanu midkoodna xirnayn wax gafuur-saab ah, xilli lagu jiro waayaha cudurka faafa ee coronavirus.

Waxaa sawirka soo bandhigay Madaxa Aqalka Cad ugu qaybsan baraha bulshada, Dan Scavino oo soo dhigay sawirrada Wasiir Dibadeedyada Imaaraadka iyo Baxrayn, Abdullah Bin Zayed iyo Abdullatif Bin Rashid Al Zayan, oo ag taagan RW Israel, Benjamin Netanyahu, iyo MW Maraykanka ee Donald Trump oo wada taagan balkoonaha Aqalka Cad kaddib munaasabaddii saxiixa.

Amiirka oo isna sawirkaa Twitter soo dhigay ayaa ku dul qoray kabshan u akhrismaya: “Hambalyo, waa jeclahay garuuf-saabka iyo kala sikashada (muuqata). Mas’uuliyad waynaa.”

Bishii hore, Amiir Ali ayaa dood dhaliyey kaddib markii uu faafiyey maqaal uu qoray Professor hore ee Xiriirka Caalamiga ah ka dhigi jirey University of Oxford, oo heshiiska cambaareeynaya.

Yeelkeede, Wasiir Dibadeedka Urdun, Ayman Safadi, ayaa dhowaan sheegay in saamaynta heshiiskani ku xirnaan doono waxa ay Israel samayso.

Boqortooyooyinka Carabta ayaa inta badan ah ”riyi caano ma diiddo”, maadaama ay ku dhisan yihiin heshiisyo ay raalli ka yihiin gumaysiga oo ku saabsan in dano la isu fuliyo.

Hadalsame Media

Facebook Comments