Shiinaha oo Somalia siinaya kaalmadii ugu badnayd muddo 30 sano ka badan (Waxyaabaha uu bixinayo & ujeedka)

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2020 – Dalka Shiinaha oo ka mid ah dalalka xiriirka fog la lahaan jirey Somalia ayaa ku dhawaaqay tillaabo uu ku caawinayo dalka Somalia oo ku jira soo kabasho.

Shiinaha oo aan inta badan kaalmo ridan ka gaysanin Somalia waloow aanu ka maqnayn ayaa ku dhawaaqay inuu Somalia siinayo deeqdii ugu badnayd kaddib burburka.

”Si loo taageero dib u dhis nabdoon iyo iyo horumarka Somalia, Shiinuhu wuxuu agaasimayaa inuu siiyo agab, oo uu bixiyo in ka badan 30 booyadood oo biyo dhaamis ah iyo booyado shidaalka qaada,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Safaaradda Shiinaha.

80,000 oo iskujoog oo dharka ciidanka booliiska ah (police uniforms), kabaha booliiska iyo koofiyado iwm ayaa la siinayaa Somalia. Heshiisyo ayaa la saxiixayaa.” ayay daba dhigeen.

Arrintan ayaa loo fasiray in Shiinaha oo ka caroodey xiriirka ay Somaliland la yeelatay Taiwan, uu wado dedaallo uu taa kaga dabaaqayo, isagoo sidoo kale doonaya inuu caawiyo Ciidamada Xoogga, gaar ahaan kuwa badda.

Hadalsame Media