Somalia oo la tartamaysa Facebook & warbaahin caalami ah oo wax ka qortay

0

(Muqdisho) 16 Sebt 2020 – Samochat, oo ah jiilka cusub ee baraha bulshada ayaa laga bilaabay Somalia wuxuuna doonayaa inuu la tartamo Facebook, sida ay khubaradu sheegayaan.

Waxaa Samochat loo naqshadeeyey qaab la ilaalinayo gaarnimada iyo amaanka sirta qofka iyada oo adeegsadaha la siinayo awood dheeraad ah oo uu wixiisa ku maaraysto marka ay timaado xogaha uu bulshada laga wadaagayo, sida uu qorayo National Telegraph.

Isla markii la bilaabay waxaa uu durba dhaafay 10,000 oo qofood isagoo doonaya inuu boqollaal kun oo adeegsade dhaafo 5-ta sanadood ee soo aaddan.

Facebook oo ay Afrika oo qura ka isticmaalaan dad ka badan 1 bilyan oo qofood waxa ay Samochat doonayaan inay  diiradda saaraan soo jiidashada macaamiisha kaddib sanado badan oo laga eed sheegtay sida uu Facebook ula macaamilo xogaha gaarka ah ee macaamiishiisa.

Abdirahim Yaasin, oo ah ninka sameeyey Samochat ayaa sheegay in “markii ay samaynayeen maxadadan bulsho ay maanka ku hayeen daldaloollada ay ka tageen sharikaadka waawan ee baraha bulshada si loo helo adeeg uu macmiilku amaan ku qabo.

‘Waa inay dadku amaan ku helaan wadaagidda xogohooda ee ay u dirayaan asxaabta iyo qoyskooda.” ayuu yiri ninkan oo ah software developer ku sugan Somalia.

Hadalsame Media