Trump oo faysha isku jaray IIDHEH uu is lahaa kusoo jiido taageerayaasha muxaafidka ah (Arag ceebta dhacday)

0

(Washington, DC) 16 Sebt 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa ku ceeboobey arrin uu doonayey inuu isku xayaysiiyo kaddib markii uu soo qaatay sawirrada dayuurado iyo qoryo uu Ruushku sameeyey.

Trump oo sawirka ku qoray ‘taageer ciidamadeenna’ ayaa markiiba iidhehdan ka saaray meelihii la geliyey, balse waxay ahayd xilli ay xeero iyo fandhaal kala faniineen.

Wuxuu soo qaatay dayuuradaha Ruush sameega ah ee MiG-29yada – oo ah dayuurad uu 1970meeyadii hindishey Soofiyeetkii burburay si ay ula xaalaan isla Maraykanka xilligii Dagaalkii Qaboobaa.

Waxaa sawirka ka muuqanaya 5 askari iyo 3 dayuradood oo hoos ah maadaama ay qorrax ka jeed yihiin, waxaana si waadax ah loo arkayaa midkood oo sita qoriga Ruushka ah ee AK-74.

Xafiiska iidhehda ee Trump oo lagu wado inuu doorasho galo bisha Nofeembar ayaan arrintan ka hadal, balse waa khalad aad u wayn, gaar ahaan xilli uu Trump doonayo inuu soo jiito muxaafidiin badan oo ah kuwa uu ka samaysan yahay saldhiggiisa siyaasadeed.

Hadalsame Media