Turkiga oo tijaabadii 1-aad marsiiyey gaari duulaya oo uu farsameeyey & nin hal-abuure Muslim ah oo lagu maamuusay + Sawirro

0

(Ankara) 16 Sebt 2020 – Turkiga ayaa soo saaray gaarigii ugu horreeyey ee duulaya, kaasoo lagu magacaabo Cezeri, isla markaana dhamaystay tijaabadii ugu horreeysey, sida ay sheegtay shirkadda dhistay ee Baykar.

Gaarigan sambalka ah oo uu cufkiisu yahay 230-kg ayaa duulay ilaa 10 mitir tijaabadii 1-aad, iyadoo uu xaaladdiisa la socdey Madaxa Tiknolojiyadda shirkadda ee Selçuk Bayraktar.

Waxaa tijaabada la bilaabay Sebt. 11. Cezeri, oo ah leh hannaan duullimaad oo casri ah sidoo kalena duuli kara duuliye la’aan isagoo otomaatig ah ayaa hadda qaadi kara hal rakaab, balse dufcadaha dambe waa la ballaarin doonaa iyadoo loo adeegsan doono gaadiid magaalo ahaan mustaqbalka dhow.

Gaarigan ayaa loogu magac daray Ismail al-Jazari, oo ka mid ah iqtiraacayaashii iyo muhandisiintii Casrigii Dahabiga ahaa ee Islaamka, isagoo ku noolaa bariga Anatollia qarnigii 12-aad.

Baykar, oo la asaasay 1984-kii, waa sharikad farsamaysa daroonnada hubaysan iyo kuwa rayidka ah, hannaanada koontoroolka, mashiinnada lagu barto dayuurad wadista iyo agabyada dayuuradaha.

Hadalsame Media