Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo lagu sameeyey kormeer lagu ogaanayo in lagu qaban karo tartamo caalami ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 16 Sebt 2020 – Waxaa gebagebo maraya dayactirka Garoonka kubadda cagta Istaadiyo Muqdisho.

Waxaa maalin hore la dhamaystiray xiritaanka saacaddii waynayd ee garoonka oo haatan lagu xirey mid dhijitaal ah.

Waxaa haatan lagu samaynayaa kormeerkii ugu dambeeyey. Xiriirka caalamiga ah ee FIFA ayaa maanta qiimayn ku samaysay lagu eegayo inuu waafaqsan yahay heerka caalami halkaa ka sameeyey.

FIFA ayaa marka ay qiimayso waxay soo saari doontaa shahaado heereed oo caddaynaysa in garoonkani uu markale martigelin karo kulamo heer caalami ah.

Hadalsame Media