Israel oo xalay ”heshiis” la gashay 2 dal oo Carbeed galabtana gantaalo ku bilowday Marinka Gaza

0

(Gaza) 16 Sebt 2020 – Ciidamada Israel ayaa galabta duqayn ku bilaabay Marinka Gaza ee go’doonsan maalin uun kaddib markii ay sheegeen inay ”heshiis taariikhi ah” la galeen dalalka Imaaraadka iyo Baxrayn.

Heshiiskan 3-geesoodka ah oo lagu sheegay “Heshiiskii Ibraahim” ayaa xalay uun lagu saxiixay Washington, waxayna duqayntani muujinaysaa in aanu heshiiskaasi waxba ka bedelin wadciga meesha uu ka jiro dhibka rasmiga ah, maadaama aanay dalalkaasi heshiiska la galay abid Israel la dagaallamin.

Duqaynta Israel ayaa waxaa ku burburay hanti gaar ah oo fara badan, sida ay sheegtay Wakaalad Wareedka Falastiin ee WAFA.

Dayuuradaha Israel ayaa gantaalo la beegsaday Beit Lahiya oo dhacda dhanka woqooyi ee Marinkaasi.

Waxay sidoo kale duqeeyeen Deir al-Balah, oo ah magaalo ku taalla bartamaha Marinka Gaza, sidoo kale Khan Younis oo koonfurta Gaza ayaa iyaduna ka mid ah.

Wax dhimasho ah lama soo sheegin weli.

Hadalsame Media