Maraykanka oo Iiraan ku tuhmaya inay ”khaarajin rabto” Danjire Maraykan ah & Iiraan oo ka jawaabtey (Dalka uu joogo & sababta)

0

(Pretoria) 16 Sebt 2020 – Iiraan ayaa lagu eedeeyey inay qorshaynayso khaarajinta Danjiraha Maraykanka u fadhiya dalka South Africa si ay ugu aar gudaan Jeneraal Qassem Soleimani, sida uu qoray warqaadka Politico, oo xiganaya xogo sirdoon oo ay arkeen saraakiisha Maraykanku.

Madaxda Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay inay ka war qabaan halistan ka dhanka ah Danjire Lana Marks, 66 jir, oo jirtey tan iyo horraantii sanadkii tegey, balse todobaadyadii dambe unbaa la cayimay cidda bartilmaameedka ah, sida uu qorayo webku.

Sarkaal la hadlay Politico ayaa sheegay in Safaaradda Iiraan ee Pretoria ay howsha ku jirto, iyadoo Marks ay ka mid tahay dadka aadka ugu dhow Trump ee ku jirey naadiga Mar-a-Lago ee Florida kahor intii aan loo magacaabin Danjiraha 2018-kii.

Trump oo xalay ka hadlayey xafladdii lagu saxiixayey heshiiska Israel, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa sheegay in Iiraan ay la kulmi doonto ”cawaaqib 1,000 jeer” ka badan midda ay fili karaan.

Iiraan ayaa iyaduna sheegtay in uu Maraykanku geli doono khalad ”istaraatiji ah” haddii uu qaado wax tillaabo ah oo la xiriirta arrintan oo ay ku tilmaameen been la dhoodhoobay.

Hadalsame Media