HESHIIS BULSHO: Waxa uu Dastuur yahay & kuwa ugu qadiimisan Dastuurrada Dunida

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2020 – Taariikhda iyo ilbaxnimada aadanaha dastuurkii ugu horreeyey ayaa la kala saxiixday sanadkii 622. Heshiiskii bulsho ee Medina, ayaa wakhtigaas la qorey. Heshiiska ayaa u dhaxeeya Muslimiinta, Yahuudda iyo bulshooyinkii reer Yadrib ee ka hor Islaamka cawaanta ahaa. Yadrib, oo suubane Muxamad (CSW), asagu shaqsiyan magaca ka badelay ayaa heshiisku ka dhacay.

Heshiiska Medina, ayaa culumada baaca dheer u leh taariikhda, dowladnimada iyo sharciga, isku raacsan yihiin in uu yahay heshiis bulsho oo noociisa taariikhda aadanaha horrey loo arag.

Dastuurka Medina, ayaa sugaya dhulka iyo cidda lagu dhaqayo. Waxaa lagu aasaasayaa bulsho ayadu nabad, amni iyo xorriyad ku wada nool. Xorriyadaha ayaa aad u faahfaahsan. Xorriyad diimeed, shaqsi iyo madax bannaani amuuraha qoys kasta u gaar ah ayaa lagu caddeynayaa.

Waxaa la aqoonsanayaa xeerarka aan qorneyn ee beelaha Yahuudda iyo qabiilla Carbeed ee reer Medina ah ka dhaxeeya.

Dastuurka Medina, ayaa ka marag kacaya in aan bulsho iyo dowlad lagu dhaqi karin seef, waran iyo gacan bir ah ee waxa keliya ee bulsho lagu maamuli karaa tahay sharci iyo xeer iyo ku dhaqanka sharcigaas, ciddii ka baxdana ciqaabteeda la mariyo.

Dastuurka Medina, ayaa ka kooban afartan iyo todobo (47) qodob oo labo (2) qeyb ah. Qodobada 1—23 ayaa si gaar ah ugu socda Muslimiinta dhexdeeda waxa xeer, xad iyo xukun u ah. Qodobada 24—47 ayaa toos u qabanaya Yahuudda, Muslimiinta iyo xulufada Muslimiinta, sida ay u wada noolaanayaan.

Ugu yaraan shan (5) fadhi oo xiriir ah ayaa dhacay inta uusan heshiisku rasmi noqon. Dooddaha heshiiska ayaa daarnaa sida, nooca iyo xadka heshiiska iyo caddeynta cidda wadagaleysa.

Wakhtiga heshiisku dhacayo, Medina iyo deegaannada ku xeeran qiyaas ahaan toban kun (10,000) oo ruux ayaa ku nool. Nebi Muxamad (CSW) Muslmiinta adeecsan kama badna labo boqol (200) oo qof oo rag, haween iyo caruur isugu jira.

Medina, waxaa degan saddex (3) qoys oo Yahuud ah iyo labo (2) qoys oo Carab ah wakhtigaas. Nebi Muxamad (CSW) oo muhaajir, naftiisa iyo tan Musliimiinta adeecday la baxsanaya ayaa Medina, kusoo biiray. Labada qabiil ee Carbeer waa Aws iyo Khasraj. Qabiilada Yahuudda waa Banu Nadiir, Banu Qaynuqaac iyo Banu Qurayda.

Dastuurka Medina, ayaa damaanad qaadaya xuquuqaha asaasiga ah ee aadanaha, sharciga birmageydada (haweenka, waayeelka iyo caruurta), ilaalinta dhaqamada bulshada wadagelaysa heshiiska, madax bannaanida diimeed iyo adkeyda heshiisyada madaniga ah ee reer Medina, ka dhaxeeya.

Waxa ugu yar ee Dastuurka Medina, ka hadlayo waa ka dheeraanta dhileysiga, dilka, beenta, xanta iyo faafinta fasaad iyo kicin bulshada kala dileysa. Haddii dhib iyo dhiig dhaco sida loo dhammeynayo iyo xeerarka magta ayaa heshiisku caddeynayaa.

Sifaha ashqaraarka leh ee heshiiska Medina, macnaha gaarka ah u yeelaya waa in wakhtiga la galayo uu socday waxyiga iyo degidda Quraanka Kariim ah. Diinta iyo sunnaha Nebi Muxamad (CSW) ma dhammeystirna oo weli waa degaysaa wakhtigaas.

Haddana Nebigeennu, waxa uu jideynayaa weynida iyo wanaaga ay leeyahay in bulshadu heshiis iyo sharci kala dhigato. Nebigu, waxuu daruuri ka dhigayaa in bulsho noolaan karin, la’aanta heshiis iyo sharci ay ku wada naalooto.

Dastuurka Medina, waxaa sugan in ay kala saxiixdeen hogaamiyaashii qabiilla Aws, Khasraj, Banu Nadiir, Banu Qaynuqaac, Banu Qurayda iyo Muhaajiriinta oo u saxiixay Nebi Muaxamed. Sidoo kale waxaa hubiye iyo ilaaliye lagu sharfay Suubane Muxammad (CSW) oo Reer Medina, si guud oo wadajir ah isugu raaceen in asagu fulinta iyo dhaqangal heshiiska damaanad qaado.

Dastuurka Medina, marka laga soo tago labada (2) dastuur ee dowladaha casrigan ku dhaqmaan waxaa ugu cimri dheer Dastuurrada Mareykan iyo Norway.

June 21, 1788 ayaa Dastuurka Mareykan, dhaqan gelay. Kan Boqortooyada Norway, ayaa asna la meel mariyey May 17, 1814.

Dastuurka Medina ayaa ka fac weyn kun iyo saddex boqol (1300) oo sano Sharciga Qaramada Midowbay ee Xuquuqaha Aadanaha ee la saxiixay December 10, 1948.

La soco qeybta labadaad ee qormada iyo macnaha dastuuri bulsho u leeyahay.

Waxaa Diyaariyey: Mahad Geelle

Hadalsame Media