Imaaraadka & Iiraan oo uu durba dagaal qaboow ka dhex bilowday

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2020 – MW Donald Trump ayaa mar qura Twitter ku shaaciyey in ay xiriir toos ah yeelanayaan Imaaraadka iyo Israel – taasoo loo fahmey inuu doorasho u adeegsanayo – balse waxaa haatan soo baxday in uu durba bilowday dagaal qabow oo u dhexeeya Imaaraadka iyo Iiraan.

Waloow ay saraakiisha Imaaraadku ay ku celceliyeen in heshiiskani aanu “ku jihaysnayn Iiraan”, misna waxaa muuqda sababo badan oo sidaa loo rumaysto.

The concern now is that US and Israeli operatives will have enhanced capabilities to cause mischief in Iran. Iranian military commanders have thus warned of a ‘dangerous future’ for the UAE

Brian Hook, oo ahaa ninka Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ugu qaybsan Iiraan ayaa ka mid ahaa saraakiil joogey Aqalka Cad oo sheegay inuu jiro “qorshe 3-geesood ah oo ay ka damacsan yihii Bariga Dhexe” kaasoo khuseeya dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga iyo iskaashi dhanka amaanka ah.

Hook ayaa waxaa iminka lagu bedeley nin ka mid ah Muxaafidiinta Cusub, Elliott Abrams – taasoo kordhisey shakiga ah in maamulka Trump uu xiriirkan cusub u adeegsan doono cadaadis la saaro Tehraan.

Iiraan ayaa dhanka kale ka xumaatay xilliga lagu soo beegay xiriirka UAE-Israel – maalmo uun kaddib qaraxii Ballaarnaa ee Beyruut, kaasoo ay Iiraan ku eedeeynayso sirdoonka Israel iyo in lagu wiiqayey awoodda Xisbullaah oo ay olol dhow la yihiin, iyadoo la fahamsan yahay in qaraxaasi uu jug u gaystey 3-gaxalka ”wax iska caabbinta” ee Iiraan.

Dhanka kale, warqaadka saamaynta leh ee muxaafidka ah ee Iiraan ee Kayhan ayaa muujiyey in Imaaraadku ay “bartilmaameed sharci ah” u yihiin 3-xagallka wax iska caabbinta, halka ay Iiraan si cad ay “khiyaano” qadiyadda Islaamka ka dhan ah ugu tilmaantay xiriirka cusub ee UAE iyo Israel, iyadoo ay Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ay durba ku hanjabeen inay duqayn doonaan magaalooyin ay ku jirto Abuu Dabeey.

Hadalsame Media