Ganacsatada Jaadka Kenya oo mar kale ka hadlay dhibka ay kala kulmeen suuqa Somalia ee laga xirtey & lacagta ay maalintii khasaarto

0

(Nairobi) 14 Sebt 2020 – Waxaa sii soconaya silaca ay sheegayaan Jamciyadaha Jaadka beera iyo kuwa ka ganacsada ee dalka Kenya oo markale ka hadlay dhibaatada ay wajahayaan kaddib markii ay Somalia joojisey Jaadka Kenya.

Beeraleyda Jaadka Kenya ayaa tilmaamay in tan iyo markiiii ay Soomaaliya Jaadkooda ka xayirtay dalkeeda ay maalin kasta khasaarayeen adduun dhan $150, 000 oo doollar oo Maraykan ah.

“Maalin walba waxaan Soomaaliya geyn jirnay 50 tan oo jaad ah taas oo u dhiganta 150 kun doolar maalintiiba, qaar badan oo kamid ah beeraleyda jaadka khasaare badan ayaa kasoo gaadhay arrintaas,” ayay yiraahdeen.

”Maxaa yeelay dakhliga kaliya ee aanu helno waa kan jaadka.”. ayuu ku calaacay Kimathi Munjuri oo ah guddoonka Beeraleeyda Jaadka Kenya.

DF Soomaaliya ayaa diiddan in dib loo furo duullimaadyada Jaadka ee tagayay Soomaaliya, tiiyoo la debciyey xayiraadaha duulimaadyada caalamiga ah, waloow aysan lafteedu Kenya toos ugu dhawaaqin inay furtay duullimaadyada Somalia iyo Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, DP Ruto ayaa dhawaan u jeediyay ganacsatada dalkiisa in ay abuurtaan dalagyo kale inta ay meel uga dhacayso doorashada Soomaaliya.

DF ayaa dhowaan soo gudbisey shuruudo dhowr ah oo ay ku xireyso Kenya si loo fasaxo Jaadka Somalia iibsato, waloow ay Kenya ku doodday inaan warkaa loo marinin hillinnada rasmiga ah.

Hadalsame Media