Barasaabkii Gaarisa oo xalay xabsi ku horay, magacyada rag kale oo la eedaysan & goorta dacwadooda la dhegeysanayo + Waxa lagu haysto

0

(Gaarisa) 15 Sebt 2020 – Barasaabka Ismaamulka Gaarisa (oo Somalia u dhigma MW Maamul-goboleed), Cali Qorane ayaa xalay xabsi Kenya ku yaalla ku hoydey kaddib markii lagu eedeeyey musuq baahey.

Cali Qorane oo aysan markii ugu horreeysey ee la xiro ayaa gaar ahaan lagu haystaa inuu lunsaday adduun lacageed oo ka badan Ksh.233 milyan oo shilin oo Ismaamulkiisa siiyey Bankiga Adduunku, iyadoo dhegeysiga dacwada Talaadadan maanta ah loo muddeeyey.

Waxaa soo xirey Guddiga Anshaxa ee Musuq Ladirirka ee Ethics and Anti-Corruption Commission (EACC) iyadoo weliba lagu xirey xabsi ku dhex yaalla isla xarunta Wakaaladdan.

War Khamiistii soo baxay ayaa lagu sheegay in DPP Cali Qorane iyo 4 nin oo kale ay is dhaafdhaafiyeen lacagtan oo gaaraysa Ksh.233,506,000 oo uu Bankiga Adduunku Kenya u siiyey Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka.

Waxaa intaa la daba dhigay in sida baaritaannada hordhaca ihi ay muujinayaan lacagta dhowr mar oo kala duwan loo weeciyey khasnado gaar ah intii u dhaxaysey Febraayo 2019 ilaa Sebtember 2019.

Waxaa dembigan kula eedeeysan 4 nin oo kala ah: Ibrahim Malow Nur, Madaxa Maaliyadda, Mohamed Ahmed Abdullahi, Madaxa Kaydka, Abdi Shale, Xoghayaha Guud ee Golaha Degaanka Gaarisa, iyo Ahmed Abdullahi Aden, Madaxa Xisaabiyaha Golaha Degaanka.

Waxaa guud ahaan afartan iyo Qorane ku eedeeysan yihiin maleegidda khiyaano maaliyadeed, xatooyada xoolo dadwayne, ku takri fal awoodeed, qabashada mashruuc aan qorshaysnayn iyo kas ugu tumashada sharciga dalka.

“Waxaa lacagtan loogu tala galay in lagu maalgeliyo 3 mashruuc oo kala ah; Dhismaha Suuqa Qorraxeey, dib u dayactirka jidadka Faras Magaalaha Gaarisa iyo dhismaha bullaacado biyaha qaado iyo marshabiyeediga jidadka magaalada,” ayay u akhrismaysaa warbixin kasoo baxday Guddiga Xisaabi Xil maleh.

Hadalsame Media