CANDHARKA JAAMACADDA CARABTA: JC ma hadda ayay duugtey qaddiyadda Falastiin mise markii horeba inay duudsiiso ayaa loogu dow galay? (Taariikh muhim ah)

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2020 – Waxaa isla xilligan laga soo jeestey saxiixa wax lagu sheegay ”heshiis taariikhi ah” oo dhex maray 2 dal oo kala ah Imaaraadka iyo Baxrayn oo noqonaya dalkii 3-aad iyo kii 4-aad ee abid xiriir toos ah la yeesha Israel kaddib Masar 1979-kii iyo Urdun 1994-kii.

Yeelkeede, wasiir dibadeedyada Jaamacadda Carabta oo todobaadkan kulan aan caadi ahayn khadka ku yeeshay ayaa diidey inay cambaareeyaan xiriirkan iyagoo diidey qaraar ay riixaysey Falastiin. Haddaba, si aad uga dheregto waxa keenaya in JC ay sidaa u dhaqanto aan dib kuugu celinno asaaskeedii hore.

Jaamacadda Carabta waxaa la sameeyey sanaddii 1945-kii si loogu ilaaliyo danihii gumaysi ee uu ka tagtay dalka Britain oo ay hoos imanayeen dalal badan oo Carbeed.

UK waxay hubaal ka dhigaysey in qadiyadda Falastiin ay kunturaad hoosaad iskaga haystaan dalalkii kale ee Carbeed ee xorta ahaa si ay wax kastaahi u ahaayeen sidii uu Ingiriisku u tolay uguna taliyey.

75 sanadood kaddib, wejiga JC lama aqoonsan karo mana aha, xitaa intii yarta ahayd ee ay afka ka sheegi jirtey mid maanta gudan karta ma aha, marka laga reebo inay hadda sii muujinayso inay ka shaqeeyaan danaha gumaysiga.

Kaddib kacdoonkii Falastiin 1936-1939, oo ay Ingiriisku laayeen dad gaaraya 5000 oo Falastiiniyiin ah isla markaana uu khaarajiyey ama musaafuriyey madaxdii Falastiiniyiinta, cadaawaddii Britain loo qabey waxay usii faafaysey dhanka Bariga Carabta. Waxaa taa caddaynayey afgembigii bishii Abriil 1941-kii uu Rashid Ali Al-Gaylani ka dhigay Ciraaq, kaasoo ay UK ku guulaysatey inay fashiliso bil kaddib.

Bilihii Juun iyo Luulyo 1941-kii, Britain waxay ku duushey Suuriya iyo Lubaan si uu meesha uga saaro xukunkii Faranskiisa (Vichy-France) ee halkaa, waxayna guuldarradii Faransiisku sababtay in Charles De Gaulle oo musaafuris ku maqani uu ogolaado xornimada Suuriya iyo Lubaan 1943-kii.

Taasi waxay hubaal ka dhigtay in Suuriyada wayn oo ay Lubnaan ku jirto, Ciraaq, Masar iyo Jasiiradda Carbeedba ay gacanta u wada galaan gumaysigii Britai kahor intaanba dagaalki dhamaanin.

Yeelkeede, kaddib markii uu Ingiriisku taageeray in dal Israel la yiraahdo laga dhiso dhulka Falastiin waxay taasi Carabtii ka hor keentay UK iyadoo ay is tartay carada loo qabo oo gobolka ku faaftay, waxayna London is tusisay si ay dareenkaa u baqtiiso una joogtayso saamayteeda siyaasadeed kaddib dagaalkii 2-aad; inay abuurto nooc uun ”midnimo Carbeed” oo dul ka xaadis ah (superficial).

La soco qayb kale….

Waxaa Qoray: Joseph Massad

Waa Bare-sare (Professor) Siyaasadda Casrigan ee Carabta iyo Taariikhda ka dhiga Columbia University in New York.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media