Xildhibaan kashifay arrin lala damacsan yahay Turkiga jooga Somalia (Daawo)

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2020 – Xildhibaan Cabdullahi Abuukar Xaaji oo ka hadlayey xarunta shirarka ee Golaha Shacbiga ayaa sheegay in ay jiraan dalal shisheeye ah oo ku dadaalaya inay Turkiga ka saaraan Somalia.

Wuxuu sheegay in dalalkaasi ay inta badan adeegsanayaan lacago malaayiin ah oo laaluush ahaan loo siinayo siyaasiyiin diir Soomaaliyeed leh, balse damiir ahaan aan ka shaqaynin dan Soomaaliyeed.

”Turkiga in dalka laga saaro ayaa la doonayaa. Taas waa ognahay oo ma doonayno inaan hoos usii galno,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi.

”Barnaamijyadooda caafimaadka ayaa lala dagaalayaa, kuwa waxbarashada ayaa lala dagaalayaa, kuwa siyaasadda ayaa lala dagaalayaa oo in la bixiyo ayaa la rabaa,” ayuu daba dhigay isagoo sare u taagaya xeer ku saabsan tibxaha xiriir iskaashi ah oo dhex mara Turkiga iyo Somalia oo baarlamanka horyaalla.

Dalal uu Imaaraadku ugu horreeyo ayaa aad iskugu daya inay Somalia ka cayriyaan Turkiga iyaga oo aanu xitaa ujeedkoodu ahayn inay Somalia taraan tumin ka mid ah inta uu Turkigu haatan u qabto.

Waxaa intaa dheer, in Turkiga oo ah dal leh raasumaal dadeed uu istaraatiji ahaan Imaaraadka uga muhiimsan yahay Somalia oo wax badan ka faa’iidaysan karta Turkiga sida dhanka waxbarashada, caafimaadka, dhismaha, tiknolojiyadda, farsamada gacanta, ciidamada iwm.

Beri dhowayd waxaa soo baxay in Maraykanku uu doonayo inuu Somalia siiyo ilaa 100 gaari oo fudud, iyadoo uu Bentegon sidaa u yeelayo inuu Somalia kula xafiiltamo Turkiga, sida lagu qoray African Intelligence.

Hadalsame Media