Nin ka mid ah ragga ku eedaysan kufsiga & dilka u gaystey Xamdi oo Cadaado lagu qabtay isagoo baxsad ah

0

(Cadaado) 16 Sebt 2020 – Waxaa weli furan kiiska kufsigii iyo dilkii bahalnimada ahaa ee loo gaystey Xamdi Max’ed Faarax oo dabaq dheer laga tuuray.

Kiiskan oo ilaa haatan loo hayo 11 qofood ayaa nin hor leh loo qabtay waana qofkii ugu horreeyey ee laga soo qabto meel Muqdisho ka baxsan isagoo fakad ah.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka kaddib,” ayay tiri Jen. Sakiya Xuseen oo ah taliye xigeenka Booliiska.

“Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.” Ayay daba dhigtay.

Arrintan foosha xun ayaa kicisay dareenka shacabka damiirka leh waloow ay jiraan ashkhaas isku dayaysa inay xagal daaciyaan dariiqa cadaaladda.

Hadalsame Media