”Qofka looma diidi karo inuu dukado marka uu shaqada joogo” – Go’aan ay Muslimiintu ku farxeen oo kasoo baxay Sweden

0

(Malmö) 14 Sebt 2020 – Loo shaqeeyayaasha dalka Sweden ayaan xaq u yeelan doonin inay dadka shaqaalaha salaadda u diidaan xilliyada ay dukanayaan tiiyoo ay jirto inay weli shaqadii joogaan.

Maxkamadda Malmö ayaa cirka ku laashay go’aan uu gaarey Golaha Degaanka Bromölla oo ahaa in aanu qofku salaad aadi karin xilliyada shaqada, waxayna maxkamaddu sheegtay inay taasi ka hor imanayso asaaska xorriyadda diinta oo uu ku dhisan yahay Dastuurka Sweden iyo Cahdiga Midowga Yurub.

Kamuunka Bromölla ayaa soo saaray go’aan dhigaya in aan ”salaad la ogolayn xilliyada uu qofku ku jiro shaqo lacagteeda la bixinayo” oo laga qabanayo degmadaas.

Waxaa aragtida oo ay hindiseheeda lahaayeen xisbiga soo galooti diidka ah ee Sverigedemokraterna sidoo kale ku raacay xisbiga dhanka diinta u janjeera ee Kristdemokraterna.

Waxaana go’aankan oo loo arkay mid bartilmaameedsanaya shaqaalaha Muslimka ah looga ashtakoodey Hay’adda Dulmiyada Cunsuriyadda (DO).

Maxkamadda ayaa sidaa ku diiddey go’aanka Kamuunka, waloow aan la ogayn inta jeer ee uu shaqa bixiyuhu ogolaan doono in shaqada la joojiyo si loo dukado.

Sidoo kale xisbiyada hinsidahan degmada keenay ee SD iyo KD oo arrintan u arka in go’aan dimoqraaddi ah la diidey ayay dhici kartaa inay rafcaan u qaataan maxkamadaha sare ee Sweden.

Hadalsame Media