”Jiinis kuma seexan kartaan!” – Dal Afrikaan ah oo dembi ka dhigay inuu ninku diido cuntada xaaskiisa ama soo daaho & in ay xaasku ninka isu diiddo!

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2020 – Sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Gobollada Dhexe ee Booliiska Ghana, George Appiah-Sakyi, ragga diida cunnooyinka ay xaasaskoodu diyaariyaan ayaa dacwad lagu oogi doonaa iyadoo arrintaa loo tixgelinayo “tacaddi niyadeed”.

Nimanka dembi noocan ah lagu helo ayaa xabsiga la dhigi doonaa muddo 2 sanadood ah, ama waxaa lagu ganaaxi doonaa lacag dhan GH¢6,000 oo Cedi-ga dalkaasi, amaba waa la iskugu dari doonaa haddii dembiga lagu helo.

Kulan aqoon is waydaarsi ah oo loo qabtay haweenka Muslimka ah ayaa nimanka looga digey inay haweenkooda garaacaan marka ay caayaan, iyadoo taa biddaalkeeda la faray inay booliiska soo gaarsiiyaan, maadaama ay aflagaadada afka ihi ay dembi ka tahay dalkaasi.

“Haddii uu ninkaanu diido inuu cuntadaada cuno ama uu xilli dambe guriga yimaado oo aad ka xumaato waa tacaddi niyadeed, marka soo gaarsii booliiska qaybta DOVVSU,” ayuu yiri George.

Wuxuu sidoo kale sheegay in haweenka nimankooda galmada u diida laftoodu ay dembi ku jiraan oo lagu oogi doono dembi ah tacaddi niyadeed (emotional abuse) oo lagu ciqaabi karo xeer guriga (Domestic Violence Act 732 of 2007).

“Haddii ay xaaskaagu jiinis xirato oo ku seexato waa tacaddi niyadeed waana dembi marka soo gaarsii DOVVSU,” ayuu yiri Appiah-Sakyi.

Hadalsame Media