Oday kusoo baxay arooska ilmo uu isagu wada dhalay & caashaq ceeb ku dhamaaday (Sida wax u dheceen?)

0
exchanging wedding rings

(Madogo) 11 Sebt 2020 – Madal lagu wadey inay muraaqo, maqaam iyo mudnaan yeelato ayaa ceeb iyo kala orod ku dhamaaday kaddib markii uu goobta oo aroos ahayd uu yimid oday sheegay inuu wada dhalay wiilka iyo gabadha is aroosaya.

Anne Magwi iyo Jotham Munini, oo ah carruur ay soo koriyeen hooyooyin kali ool ah, ayaa Sabtigii kaniisadda u tegey in la isku daro, kaddib markii uu soo dhigtay aabohood oo ay la socdaan gabdho la dhashay.

Xiriir qarsoodi ah

Sida uu sheegay wadaadka Pastor Festus Muli, odayga ilmahan dhalay ayaa sheeganaya inuu ka dhalay haween u qarsanaa balse ay kala tageen iyagoo aan la isku ogayn.

Wuxuu intaa raaciyey in odayga oo la yiraahdo James Sidai, uu sheegay in markii ay naagihiisa middood ay ogaatey inay mid kale u qarsan tahay ay ka carartay, iyadoo kala tagtay cunug 1 sano jir ah.

Wuxuu odaygu deeto isku dayey inuu xiriir wanaagsan oo rigli ah la yagleelo xaaskii kale, balse dhaqaale darro ayaa keentay inuu xiriirkoodu shaqayn kari waayo, waxaana ugu dambayn sidoo kale ka carartay haweenaydii kale oo leh uur 4-bilood ah, iyadoo nin macallin ah guursatey sanad kaddib.

Pastor Muli ayaa Daily Nation u sheegay in Mr Sidai uu keenay sawirrada carruurta markii ay yaraayeen oo ay dugsiyada hoose dhiganayeen, kuwaasoo uu kasoo helay asxaab iyo aqribadiisa oo sawirrada WhatsApp ugu diray odaygan oo haatan leh xaas kale oo u haysa 3 carruur ah.

Sida uu sheegay ina adeerka Sidai oo diidey in magaciisa la xigto, wuxuu odaygu xiriirka ilmahan raadinayey 10-kii sanadood ee ugu dambeeyey, taasoo uu ku fashilmay.

Ilo ku dow kaniisaddii meherka ayaa Daily Nation u sheegay in wiilka caruuska ahaa uu yahay wiil ganacsade ah oo ku dhaqan  Madogo Town, Kenya, kaasoo isagoo caro la guduudtey hooyadii oo barooranaysa iyo asxaabtii kale uga dhaqaajiyey goobtii meherka isagoo gaarigiisii 5-ta ku wada.

Caruusadda ayaa, dhanka kale, waxaa iyadana si hoose loogula cararay gaari kale iyada oo ay wehliyaan hooyadeed iyo qaar qaraabada ka mid ah.

“Waalidiintu waa inay iska jiraan shilkan oo kale. Haddii aad qarsoodi ilmo ku dhashaan u sheega waalidiintood. Haku dhihin ilmahaaga shir gaari buu ku dhintay ee u sheeg xitaa haddii uu derbi jiif yahay,” ayuu yiri Pastor Muli.

Waalidiinta ay tacaaladani qabsatay ayaa diidey inay arrintan kala hadlaan warqaadka Daily Nation.

Hadalsame Media