Shirka DF & Maamullada oo lagu wado inuu maanta Muqdisho ka furmo & xogihii ugu dambeeyey

0

(Muqdisho) 13 Sebt 2020 – Waxaa lagu wadaa in maanta uu Madaxtooyada Villa Somalia uu si rasmi ah uga furmo shirka DF Somalia iyo Maamullada dalka oo uu ku jiro midka Gobolka Banaadir.

Waxaa shirka ka qaybgeli doona MW DF Somalia, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo, waxaana ku wehlinaya madaxda gobollada ee maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka dhacaya ciribta Shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay qaaddaceen Deni iyo Madoobe ayaa lagaga arrinsanayaa doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxtinimmada ee 2020 illaa 2021-ka, taasoo laga dareemayo caga jiid badan.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa Muqdisho dib ugu soo laabtay madaxweynayasha Jubbaland iyo Galmudug, kadib safarro deg-dega ahaa oo maalin ka hor ay ku kala aadeen magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa Kismaayo dhaqse ugu duulay si uu uga qeyb galo aaska Allaha u naxariistee Guddoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, oo sidoo kale ahaa Xoghayihii Guud ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed, Shaafi Raabi Kaahin oo salaadii Jimcaha kaddib qarax is-miidaamin ah lagu khaarajiyey.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isna Muqdisho dib ugu soo laabtay gelinkii dambe ee shalay, kaddib safar gaaban oo uu ku tegay magaalada Nairobi, lamana shaacin waxa uu ku qotomay safarkaas.

Waloow ay wararka qaar sheegayeen inuu kulan deg deg ah lasoo qaatay Madaxa Faraca Sirdoonka Imaaraadka ugu qaybsan Bariga Afrika.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa shuruudo badan ku xirey kulanka, halka ay 3 maamul oo kalena ay muujiyeen inaysan taa la dhacsanayn, waxaana la dareensan yahay in markasta oo ay xujooyinku sii bataan ay taasi caawinayso Madaxtooyada oo muddo kororsi doonaysa.

Hadalsame Media