“Khayrroow haddii aad xil doonayso laba arrimood haddaba waqti ha iskaga luminin!”

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2020 – KHEYROOW! LABO XAQIIQO! Ugu danbeyn Hassan Ali Khaireow waxaad tahay Musharrax Madaxweyne. Waxaad la tartami doontaa dersin shaqsiyaad ah oo uu ka mid yahay taliyahaagii hore (Farmaajo).

Waxaan kuu iftiiminayaa labo xaqiiqo oo aadan midna waqti isaga lumin doonin, si aadan middoodna ugu tashan.

Ogow!

1. Qalad aad fashay waxba kuma weyn doontid.
2. Abaal aad gashayna wax kuma heli doontid.

Waayo Soomaalidu ma lahan dhaqanka “ABAAL-GUD & ABAAL-MARIN” midna. Wax walba waxa ay kaaga xiran yihiin labo arrimood, waana CALAFKAAGA iyo nooca CIYAARTA aad dheesho iyo sida aad u dheesho marka la gaaro xilliga doorashada.

Dheesha waxaa kuu bili kara ama kaaga ciyaari kara ciyaaryahanada aad safto Difaaca, Dhexda iyo Afka hore ee weerarka.

Waxaa Qoray: Abuukar Al Badri

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media