RASMI: Xasan Cali Khayrre oo ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan madaxtinnimada Somalia

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2020 – Ra’iisul Wasaarihii hore ee DF Somalia, Xasan Cali Kheyrre, ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Somalia ee doorashada soo aaddan.

Kheyrre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku shaaciyey inuu yahay nin u diyaarsan hoggaaminta dalka, isagoo sheegay in mudadii uu hayey xilka Wasiirka Koowaad ee dalka uu wax badan qabtay isla markaana bartay.

Wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay: “Bismillah, Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee,”

”Muddo xileedkii 5-aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay,” ayuu daba dhigay Md Kheyrre.

“Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee Dowladda Soomaaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS,” ayuu raaciyey warkiisa.

Wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay turaanturrooyinka ku hor gadaaman, balse wuxuu tilmaamay inuu ku dhaafi doono karti, hufnaan iyo daacadnimo, hadii loo doorto xilka madaxweynaha dalka.

“Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan mar kale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.” ayuu ballan qaaday Kheyrre.

Khayrre ayaa xilka looga qaaday qaab xeerka hareer marsan 25-kii bishii Luulyo, isagoo isla maalintaa sheegay inuu isagu is casiley si uu dalka ugu turo, waxaana haatan oo waqtigaas 2 bilood ku dhowaad laga joogo aanu dalku lahayn wax Xukuumad ah oo rasmi ah, iyadoo ay socdaan shirar aan miro dhalin oo u dhexeeya DF iyo Maamullada dalka oo haatan Muqdisho ku wada sugan.

Hadalsame Media