Gabar dhimirka looga jiro oo Garoowe lagu kufsaday (Waxaa ka daran dadka kufsiga u gaystey sida ay ugu dhow yihiin)

0

(Garoowe) 13 Sebt 2020 – Wararka ka imanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in gabar dhimirka looga jiro oo 16-jir ahayd kufsi wadareed loogu gaystey magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, sida ay warbaahinta u sheegtay gabdhan hooyadeed.

Waxay wararku sheegayaan in gabadhan saacado la waayey kaddibna laga war helay in kufsi iyo jirdil loo gaystey, iyadoo eedda la saarayo laba nin oo walaalo ah oo midkood gacanta lagu dhigay.

Kaaga darane labada nin ee eedda falkan yaqyaqsiga leh loo haysto ayaa la sheegayaa inay deris la ahaayeen qoyska gabadha, iyagoo daba galay markii ay guriga ka baxday si ay kufsadaan, taasoo ah arrin sii foolxumaynaysa qisada.

Hooyo Deeqo Maxamed Cabdi ayaa codsatay in eedaysanayaasha gabadheeda kufsaday si dhaqse badan cadaalada loo horkeeno.

Puntland iyo gobollo kale oo ka tirsan Somalia ayay sanadihii dambe kusoo badanayaan falalka kufsiga ah oo aan inta badan helin cadaalad toos ah.

Shalay oo ugu dambaysay waxaa Muqdisho lagu kufsaday kaddibna dabaq laga tuuray gabar dhallinyaro ahayd oo uu dagay wiil ay sheeko wadaag ahaayeen. Waxaana naadir ku ahayd qaabka loo diley ee arxan darrada ah.

Hadalsame Media