Kayd cusub oo ammonium nitrate ah oo ah isla tii qaraxdey laga helay Dekedda Beyruut

0

(Beyruut) 12 Sebt 2020 – Xaddi ka mid ah isla maadadii ku qaraxdey dekedda Beyruut ee ammonium nitrate, oo ah kiimiko aad u qaraxda ayaa laga helay isla dekedda.

MW Lubnaan, Michel Aoun, ayaa kaddib kulan uu la qaatay saaraakiisha sare ee millateriga dalkaasi, wuxuu sheegay in dekedda laga helay 4.35 tan oo ammonium nitrate ah, taasoo la sheegay inay ku kaydsanayd iridda laga galo dekedda muddo 15 sanadood ah, ilaa 2005.

Millateriga Lubnaan ayaa intii ay baarista wadeen waxay sidoo kale heleen ilaa 143 konteennar oo ay ku jiraan walxo kale oo qarxi kara.

Warkan ayaa imanaya jeer uu Khamiistii halkaa ka dhacay dab mar kale cabsi ku beeray dadka caasimadda oo usoo joogtey qarax u qaab ekaa midka nukliyeerka Agoosto 4, markaasoo ay qaraxdey ammonium nitrate cadadkeeda lagu sheegay 2,750 tan.

Hadalsame Media